Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha Jubbaland ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga oo lagu wado in uu ka furmo Muqdisho.