Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle, oo Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay xogta rasmiga ah ee dagaalka dhawaan ka dhacay magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in Ciidanka Qaranka oo weerar ku qaaday fariismo ay Khawaarijtu ku lahaayeen aaga Caad, halkaas oo Khasaaro baaxad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Dhanka kale, waxaa sidoo kale deegaanka Jeex-Jeex ka dhacay dagaal socday muddo 8 saacadood ah, waxaana dagaalkaasi ka dhashay guulo waaweyn oo ay soo hooyeen Ciidanka Qaranka, isla markaana ay Cadawga ka furteen hubkii ay wateen.

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay ka xoreeyeen waqooyiga iyo bariga magaalada Caad.

Taliyaha ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in Galbeedka magaalada gabi ahaanba laga xorreeyo Khawaarijta, si dadka degan ay u helaan nabad-gelyo isla markaana la daboolo baahiyaha aasaasiga ah ay qabaan lana gaarsiiyo adeegyada dowladda.

 

Previous Post

Dowladda Masar oo soo jeedisay Qorshe xal u noqon karo dagaalka ka socda Qaza

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Wakiillada Mareykanka

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Wakiillada Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Wakiillada Mareykanka

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In