Xaruumihii ay ay ku sugnaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa oo ay la wareegeen tan iyo markii Maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab laga saaray Caasimada ayaa si toos ah ugu wareejiyay Ciidamada Nabas sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed kuwaa oo sugaya ammaanka guud ee xaruumahaasi ee lagu wareejiyay.
Xaruumaha hey’adaha ammaanka lagu wareejiyay ayaa waxaa ka mid ah xerada Maslax, Warshada Nac Nac iyo xaruuma kale, waxaana munaasabad lagu qabtay warshada Nac naca ee Suuqa Xoolaha oo xaruumahaasi lagula wareejinayay hey’adaha ammaanka ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuur yare C/raxmaan Cumda, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen C/risaaq Khaliif Cilmi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab , iyo taliyaha Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir Gen Madaale.
munaasabadaasi kaddib ayaa waxaa ciidamada Boliiska iyo nabad sugida ay qeybsadeen xaruumahaasi ay kala wareegeen Taliska Ciidanka Xoogga Dallka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 12-april ee CXD, waxaana si buuxda ammaanka Muqdisho ula wareegay Hey’adaha Ammaanka.