Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Booliska oo Su’aalo Weydiinayo Sedax Qof oo Ka Badbaaday Xusuuqii Mandera

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada booliska ayaa su’aalo weydiinayo sedax qof oo ka badbaaday xusuuqii ay xalay maleeyshiyaadka Al-shabaab 36-qof oo shacab ah ugu geysteen goob dhagaxa laga qodo oo ku taalo deegaanka Koromey ee County-ga Mandera.

Ku xigeenka taliyaha booliska ee Mandera Elvis Korir ayaa sheegay in dadkan ka badbaaday xasuuqa ay ka caawinayaan booliska baaritaanada ay wadaan.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026

Mr Korir ayaa sheegay in su’aalo ay weydiinayaan dadkan ka badbaaday xasuuqa si ay wax badan uga ogaadaan dadkii ka danbeeyay weerarkaasi,isagoo intaasi ku daray in uu rumeysanyahay in kooxaha weerarkan fulisay ay lug uga soo talaabeen xadka uu Kenya la wadaago Soomaaliya,markii ay weerarka fuliyeena dib ugu laabteen dalkooda Soomaaliya.

Mr Korir ayaa intaasi ku daray in dadka la xasuuqay aysan muslimiin ahayn,islamarkaana aysan ka soo jeedin deegaanka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in la afduubtay qaar ka mid ah shaqaalihii dhagaxa ka qodayay goobtasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca magaalada Mandera ee gobolka waqooyi-bari.

22-kii bishii dhamaatay ee November ayey ahayd markii 28-qof lagu dilay bas ka soo baxay magaalada Mandera oo ku soo jeedayay magaalada Nairobi.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in uu galabta la hadlo shacabka.

Madaxweyne Uhuru ayaa saaka kulan la qaatay golaha amniga ee dalka,waxana uu hada kulan la leeyahay golaha wasiirada.

Wararka qaar ayaa sheegay in laga yaabo in madaxweynaha uu is-bedel ku sameeyn doono saraakiisha ammaanka ee dalka.

dil www

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo cambaareeyay weerarkii ugu dambeeya ee ka dhacay Mandera

Next Post

Howlo dib u habeyn ah oo lagu sameynayo barxadda dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye “SAWIRRO”

Next Post

Howlo dib u habeyn ah oo lagu sameynayo barxadda dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

March 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In