Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Booliska oo Su’aalo Weydiinayo Sedax Qof oo Ka Badbaaday Xusuuqii Mandera

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 2, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada booliska ayaa su’aalo weydiinayo sedax qof oo ka badbaaday xusuuqii ay xalay maleeyshiyaadka Al-shabaab 36-qof oo shacab ah ugu geysteen goob dhagaxa laga qodo oo ku taalo deegaanka Koromey ee County-ga Mandera.

Ku xigeenka taliyaha booliska ee Mandera Elvis Korir ayaa sheegay in dadkan ka badbaaday xasuuqa ay ka caawinayaan booliska baaritaanada ay wadaan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Mr Korir ayaa sheegay in su’aalo ay weydiinayaan dadkan ka badbaaday xasuuqa si ay wax badan uga ogaadaan dadkii ka danbeeyay weerarkaasi,isagoo intaasi ku daray in uu rumeysanyahay in kooxaha weerarkan fulisay ay lug uga soo talaabeen xadka uu Kenya la wadaago Soomaaliya,markii ay weerarka fuliyeena dib ugu laabteen dalkooda Soomaaliya.

Mr Korir ayaa intaasi ku daray in dadka la xasuuqay aysan muslimiin ahayn,islamarkaana aysan ka soo jeedin deegaanka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in la afduubtay qaar ka mid ah shaqaalihii dhagaxa ka qodayay goobtasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca magaalada Mandera ee gobolka waqooyi-bari.

22-kii bishii dhamaatay ee November ayey ahayd markii 28-qof lagu dilay bas ka soo baxay magaalada Mandera oo ku soo jeedayay magaalada Nairobi.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in uu galabta la hadlo shacabka.

Madaxweyne Uhuru ayaa saaka kulan la qaatay golaha amniga ee dalka,waxana uu hada kulan la leeyahay golaha wasiirada.

Wararka qaar ayaa sheegay in laga yaabo in madaxweynaha uu is-bedel ku sameeyn doono saraakiisha ammaanka ee dalka.

dil www

Previous Post

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo cambaareeyay weerarkii ugu dambeeya ee ka dhacay Mandera

Next Post

Howlo dib u habeyn ah oo lagu sameynayo barxadda dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye “SAWIRRO”

Next Post

Howlo dib u habeyn ah oo lagu sameynayo barxadda dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In