Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Mandera

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay u geysteen dad ka shaqeynayay god kaawada laga qodo oo qiyaastii magaalada Mandera u jirta 15 Km.

War-saxaafadeed ka soo baxya xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca dowladda Federaalka ah iyo kan shacabka Soomaaliyeed uu ka tacsiyaynayo dhacdadii kooxda Al-Shabaab saakay ay ka geysteen meel u dhaw magaalada Mandera, halkaasi oo ay ku dileen 36 shaqaale ah.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay ka mideysanyihiin cambaareynta falkii ay geysteen kooxda Al-Shabaab, waxaana ay isku garabsanayaan la dagaalanka haraadiga argagixisada dhibta ku haya shacabka labada wadan, ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaya dhigooda Kenya waxa ay xoogga saarayaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaasi”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waan ogsoonahay sirta ay maleegayaan Al-shabaab, kuma dhaceyno shabaqooda, waxay isku dayayaan inay qalalaaso ka dhex dhaliyaan deganaanshiyaha labada dal, balse waa in aan u sheegnaa in ay taasi ku qaldanyihiin, waana in aan sameynaa fal kasta oo lagu soo qaban karo dadkii falkaasi ka dambeeyay, si aan ula tiigsano cadaaladda”.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan ayaa yiri “Waa in aan iska ilaalinaa falalka ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab, oo gabalkooda sii dhacay, isla markaana aan awood ku lahayn goobaha dagaalka marka ay ciidamada ka horyimaadaan, waana in aan isdajino, oo cabirno, isla markaana aan bartilmaameedsano jawaab celinteena ku aadan arrintaasi, waan in aan isku duubnaanaa oo aan ogaanaa in aan leenahay hal cadow, kaasi oo ah Al-Shabaab”.

 

Previous Post

Sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab oo laga shiray “SAWIRRO”

Next Post

Uhuru Kenyatta”Waa in aan Ku Guuleysanaa Dagaalka Ka Dhanka ah Argagixisada”

Next Post

Uhuru Kenyatta"Waa in aan Ku Guuleysanaa Dagaalka Ka Dhanka ah Argagixisada"

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In