Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askar ka tirsan ciidanka booliska oo la barayo howlaha gurmadka dab-damiska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan tababarka loogu furayay 20- askari oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Tababarkan oo socon doono muddo 21 cisho ah ayaa waxaa askarta lagu barayaa howlaha la xiriira dab-damista iyo sida loo baaro kiisaska ku aadan waxa uu ka dhashay dabka kacay, iyadoo casharada ay bixin doonaan macalimiin ka tirsan Waaxda gurmadka deg dega ee maamulka Gobolka Benaadir.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Gobolka benaadir ee dhanka howlaha guud Cabdicasiis Cilmi Cali oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa kula dar daarmay askarta tababarka u furmay inay ka faa’iideystaan casharada la siinayo, isla markaana ay ugu adeegaan bulshadooda.

Taliyaha hogaanka qorsheynta iyo tababarada ee ciidanka booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Guuto Garaad Nuur Cabdulle oo ugu dambeyntii munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Benaadir fududeynta tababarkan, waxaana uu arrintani ku tilmaamay in ay tahay talaabo dhanka horumarka ah, maadaama hay’adaha dowladda ay dhexdooda tababaro isa siinayaan.

 

 

Previous Post

Uhuru Kenyatta”Waa in aan Ku Guuleysanaa Dagaalka Ka Dhanka ah Argagixisada”

Next Post

Shir looga hadlayo dib u eegista waxbarashada dalka oo ka furmay Muqdisho

Next Post

Shir looga hadlayo dib u eegista waxbarashada dalka oo ka furmay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In