Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo beesha caalamka ka dalbaday ineey caawiso maamul goboleedyada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyay beesha caalamka iney caawiyaan maamul goboleedyada dalka ka dhismaya.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabaddii shalay lagu caleemasarayay madaxweynaha maamulka K/galbeed Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbaday ineey door wanaagsan ka qaataan dhismaha iyo horumarinta maamullada dalka ka hanaqaaday.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

“Beesha Caalamku ineey usoo deg degto maamul goboleedyada oo ay tayeeyso awoodda dhinaca maamulka, maamulka hadda laga dhisay Beydhabo hoolkaanaa u guri ah oo ma heystaan xafiisyo iyo xarumo maamulku ku shaqeeyo, waxaan rabnaa caalamku inuu yimaado oo maamulladan dhismaya wax lala qabto” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday kala aragti duwanaanta u dhaxeysa isaga iyo R/wasaarihiisa Dr. C/weli Sheekh Axmed, wuxuuna ka dalbaday shacabka ineey is dejiyaan, isagoo xusay in arrintaasi aysan saameeyn ku yeelaneynin horumarka iyo dowladanimada.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa mar kale ugu baaqay dhalinyarada ay marin habaabiyeen maleeshiyaadka Alshabaab ineey ka soo haraan mabda’a Takfiiriga ah, wuxuuna xusay in dowladdu ay soo dhaweeyneyso dhalinyarada isa soo dhiibta, iyadoo aan waxba loo raacaneynin.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo la filayo inuu maanta soo gaaro Muqdisho

Next Post

Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo la filayo inuu maanta soo gaaro Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In