Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaarad Kenya  leeyahay oo ku dhacday duleedka Kismaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaradan oo nooceedu ahaa F-5 kana mid ah diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa burburtay kaddib markii ay ka soo laabatay howlgal duqayn ah oo ay ka geysatay deegaanno ay ka taliso kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradda ayaa dhacday 3:15pm kaddib markii ay soo wajahday cillado farsamo iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn nolal iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin duuliyiyaashii diyaaradda dhacday.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Sarkaal ka tirsan warfaafinta KDF, David Obonyo ayaa sheegay inay diyaaraddu ku dhacday meel u dhow magaalada Kismaayo, balse ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay shilka,asagoo intaa ku daray in goobta ay diyaaradda ku dhacday baaritaan lagu sameyn doono.

David ayaa sheegay in howlgalka ay fulisay diyaaradda lagu burburiyay saldhig Al-Shabaab, lagu dilay tiro ka tirsan dagaalyahannada kooxda.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in diyaaradaha miigga ee Kenya ay horraantii saaka duqayn ka geysteen meel u dhow tuulada Buuloguduud, oo 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo. Waxay sheegeen inay maqleen qaraxyo waa-weyn.

Bururka diyaaradan  ayaa imaanaya maalmo kaddib markii kooxda Al-Shabaab ay 64 qof ku dishay magaalada Mandera labadii toddobaad ee ugu dambeeyay.

 

Previous Post

Danjire “Ameeriko” oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobaadka (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In