Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kay “Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah Xukuumad cusub loo soo dhiso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) wuxuu garwaaqsaday codkii uu baarlamaanku kalsoonida ugala noqday Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu amaanay shaqada uu ka qabtay nabadaynta Soomaaliya, wuxuuna ku baaqayaa in si degdeg ah Xukuumad cusub loo soo dhiso.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri, “Soomaaliya waxay hadda u baahantahay midnimo siyaasadeed ee dhexmarta hay’adaheeda iyo madaxdeeda iyo marxalad dheer oo xasilloon. Dowladda Federaalka iyo Baarlamaankaba waxaa sugeysa shaqo muhim ah oo degdeg ah si ay gacan uga geystaan inay Soomaaliya gaarto horumar dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha inta lagu jiro kow iyo labaatanka bilood ee ka hartay xilkooda. Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxay ku hanweynyihiin in dhowaan la sameeyo xukuumad loo wada dhanyahay laga wadaqaybgalo.”

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Waxaan rajeynayaa, marka Xukuumadda la dhiso, in madaxda Soomaaliya ay isla gaari doonaan heshiis ku aaddan sidii looga hortagi lahaa qalalaaso sidaas oo kale ah iyo xasillooni darro dhacda mustaqbalka. Waxaan ku faraxsanahay in Baarlamaanka Federaalka ay hadda suuroobi doonto inuu maalmaha soo socda diiradda saari doono dejinta shuruucda muhimka ah si uu u suurtoobo isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan sharciga dhisaya Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee Doorashada iyo Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta.” ayuu yiri Ergayga Kay

“Qaramada Midoobay waxaa weligeed ka go’an inay la shaqeyso Dowladda Federaalka iyo dadka iyo madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro ujeeddooyinka lagu qeexay Dastuurka Ku Meelgaarka, Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya iyo Aragtida 2016. In la dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedyada federaalka ah ayaa ah caqabad weyn oo loo bahanyahay in laga gudbo toddobaadyada soo socda.

Waxaa muhim ah in haweenka, dhallinyarada iyo kooxaha laga tira badanyahay la siiyo fursad ay kaalin buuxda kaga cayaaraan hanaankan iyo geeddi-socodyada siyaasadeed ee kale,” ayuu raaciyay.

 

Previous Post

Bayern Munich oo Ka Badisay Kooxda Bayer Leverkusen

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In