Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dhuxulow “Dhalinyarada Soomaaliyeed shaki iigama jiro inay noqonayaan cayaartooyda ugu muhiimsan caalamka.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Dubai_Sports3

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xalay ka qeybgalay tartan kubadda cagta oo dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid Yurub ay kula cayaarayeen cayaartoyda kooxda Dubai City. Wasiirka ayaa yiri “Dhalinyarada Soomaaliyeed shaki iigama jiro inay noqonayaan cayaartoyda ugu muhiimsan caalamka.”

Wasiirka ayaa cayaartoyda hal-hal u gacan qaaday isla markaasna u mahadceliyey macalimiinta iyo khubarada Soomaaliyeed ee waday kooxdan cayaartoyda Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dhalinyarada Horumarinta Caalamka ee Soomaaliyeed oo xalay Dubai ku soo bandhigay cayaar lala yaabo. Dhalinyaradan ayaa lagu wadaa inay Abu Dhabi u tagi doonaan cayaar ay la yeeshaan kooxaha halkaas ka jira ee dhalinyarada ah. 
Wasiirka oo la hadlayey dhalinyarada ayaa yiri “Aad baan ugu faraxsanahay inaan idiin imaado, waxaadna na tusteen inaad tihiin dhalinyaro dishibiliin leh oo muujiyey cayaar aad loola dhacay, waxaana idinku dhiiri gelinayaa inaad sii wadaan dadaalkiina oo aad waddankiina hooyo ee Soomaaliya aad matashaan. Shakina iigama jiro inaad noqoneysaa dhalinyaro ku soo caan baxa Isboortiga gaar ahaan kubadda cagta.”

Dhalinyaradan ayaa laga soo xulay tartankii Soomaaliya Yurub ka dhacay, ujeedaduna ay tahay in dhalinyarada la siiyo fursad ay caalamka islaamka ku soo arkaan, isla markaana ku soo bandhigaan cayaartooda quruxda badan. Horey ayaa 3 Soomaali dhalinyaro ah ay kooxaha Kuwait qaateen oo weliba ay si fiican uga dhex muuqdaan cayaaraha Kuwait. Waxaana hadda la rajeynayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhowaan ka soo dhex muuqan doonaan cayaaraha kubadda cagta ee Waddamada Yurub iyo caalamka kale. 
Wasiirka ayaa ugu danbeyntii dhiiri geliyey dhalinyarada Soomaaliyeed kuna casuumay inay dalkii hooyo yimaadaan oo ay wallaalahooda tusaan sida ay ugu faraxsan yihiin waddankooda hooyo.

Previous Post

Real Madrid oo Ka Badisay Almeria,Rikoor Cusubna Dhigtay “Sawirro”

Next Post

Shariif Xasan “Waddooyinka Bakool dhawaan waa la furayaa”

Next Post

Shariif Xasan "Waddooyinka Bakool dhawaan waa la furayaa"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In