Wednesday, May 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dhuxulow “Dhalinyarada Soomaaliyeed shaki iigama jiro inay noqonayaan cayaartooyda ugu muhiimsan caalamka.”

December 13, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022

Dubai_Sports3

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xalay ka qeybgalay tartan kubadda cagta oo dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid Yurub ay kula cayaarayeen cayaartoyda kooxda Dubai City. Wasiirka ayaa yiri “Dhalinyarada Soomaaliyeed shaki iigama jiro inay noqonayaan cayaartoyda ugu muhiimsan caalamka.”

Wasiirka ayaa cayaartoyda hal-hal u gacan qaaday isla markaasna u mahadceliyey macalimiinta iyo khubarada Soomaaliyeed ee waday kooxdan cayaartoyda Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dhalinyarada Horumarinta Caalamka ee Soomaaliyeed oo xalay Dubai ku soo bandhigay cayaar lala yaabo. Dhalinyaradan ayaa lagu wadaa inay Abu Dhabi u tagi doonaan cayaar ay la yeeshaan kooxaha halkaas ka jira ee dhalinyarada ah. 
Wasiirka oo la hadlayey dhalinyarada ayaa yiri “Aad baan ugu faraxsanahay inaan idiin imaado, waxaadna na tusteen inaad tihiin dhalinyaro dishibiliin leh oo muujiyey cayaar aad loola dhacay, waxaana idinku dhiiri gelinayaa inaad sii wadaan dadaalkiina oo aad waddankiina hooyo ee Soomaaliya aad matashaan. Shakina iigama jiro inaad noqoneysaa dhalinyaro ku soo caan baxa Isboortiga gaar ahaan kubadda cagta.”

Dhalinyaradan ayaa laga soo xulay tartankii Soomaaliya Yurub ka dhacay, ujeedaduna ay tahay in dhalinyarada la siiyo fursad ay caalamka islaamka ku soo arkaan, isla markaana ku soo bandhigaan cayaartooda quruxda badan. Horey ayaa 3 Soomaali dhalinyaro ah ay kooxaha Kuwait qaateen oo weliba ay si fiican uga dhex muuqdaan cayaaraha Kuwait. Waxaana hadda la rajeynayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhowaan ka soo dhex muuqan doonaan cayaaraha kubadda cagta ee Waddamada Yurub iyo caalamka kale. 
Wasiirka ayaa ugu danbeyntii dhiiri geliyey dhalinyarada Soomaaliyeed kuna casuumay inay dalkii hooyo yimaadaan oo ay wallaalahooda tusaan sida ay ugu faraxsan yihiin waddankooda hooyo.

Previous Post

Real Madrid oo Ka Badisay Almeria,Rikoor Cusubna Dhigtay “Sawirro”

Next Post

Shariif Xasan “Waddooyinka Bakool dhawaan waa la furayaa”

Next Post

Shariif Xasan "Waddooyinka Bakool dhawaan waa la furayaa"

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta Dowladda UK oo kala...

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022
0

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

May 25, 2022
0

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheeysan...

Arday lagu laayay Mareykanka

Arday lagu laayay Mareykanka

May 25, 2022
0

Ugu yaraan 18 qof oo Arday u badan ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In