Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga ilaalinta xuquuqda carruurta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhanka kale mudaneyaal ka tirsan barlamaanka ay Mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka u gudbiyeen guddoonka.

Kalfadhiga shanaad kulankiisa 16-aad ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kulanka horyaalay labo ajande oo kala ah Akhrinta iyo ansixinta heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 20-kii November sanadkii 1989-kii iyo Akhrinta labaad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo sharcigan u gudbisay baarlamaanka, isla markaana kulanka ka hor akhrisay marxaladihii uu soo maray ayaa ka codsatay in ay ansixiyaan.

Dood dheer kaddib mudaneyaasha baarlamaanku waxa ay meel mariyeen shaciga ilaalinta Xuquuqda Carruurta, waxaana 140 mudane ay haa ogolaatay, halka mudane ka tirsan baarlamaanka uu ka aamusay, mana jirn cid diiday, sidaasina uu ku meel maray.

Intaas kaddib waxa ay mudanayashu gudaha galeen in ay talooyin ka dhiibtaan Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ah, iyadoo ay jiraan Xildhibaanno soo jeediyay in la joojiyo hirgelinta Nidaamka Federaalka oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid wax u dhimaya aayaha Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii kulanka ka sheegay mooshin ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka soo gudbiyeen oo su’aalo lagu weydiinayo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti dhowraha.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka “War-saxaafadeed”

Next Post

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka "War-saxaafadeed"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socdaan cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socdaan cod-bixinta doorashooyinka

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka...

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In