Wednesday, July 6, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga ilaalinta xuquuqda carruurta

December 13, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhanka kale mudaneyaal ka tirsan barlamaanka ay Mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka u gudbiyeen guddoonka.

Kalfadhiga shanaad kulankiisa 16-aad ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kulanka horyaalay labo ajande oo kala ah Akhrinta iyo ansixinta heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 20-kii November sanadkii 1989-kii iyo Akhrinta labaad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo sharcigan u gudbisay baarlamaanka, isla markaana kulanka ka hor akhrisay marxaladihii uu soo maray ayaa ka codsatay in ay ansixiyaan.

Dood dheer kaddib mudaneyaasha baarlamaanku waxa ay meel mariyeen shaciga ilaalinta Xuquuqda Carruurta, waxaana 140 mudane ay haa ogolaatay, halka mudane ka tirsan baarlamaanka uu ka aamusay, mana jirn cid diiday, sidaasina uu ku meel maray.

Intaas kaddib waxa ay mudanayashu gudaha galeen in ay talooyin ka dhiibtaan Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ah, iyadoo ay jiraan Xildhibaanno soo jeediyay in la joojiyo hirgelinta Nidaamka Federaalka oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid wax u dhimaya aayaha Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii kulanka ka sheegay mooshin ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka soo gudbiyeen oo su’aalo lagu weydiinayo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti dhowraha.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka “War-saxaafadeed”

Next Post

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka "War-saxaafadeed"

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya...

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022
0

Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil 17 jir ah uu dhintay, wiil kale oo 16-sanno jirana...

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

July 6, 2022
0

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu Shir uga socdaa Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar...

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

July 5, 2022
0

Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In