Monday, December 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Bayern Munich, iyo FC Cologne oo Badiyay iyo Hertha Berlin oo Ka Badisay Borussia Dortmund

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Augsburg ayaa waxaa garoonkeeda SGL Arena 0-4 uga badiyay kooxda Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa afarta gool dhalisay qeybtii danbe ee ciyaarta,waxaana labo kamid ah u dhaliyay ciyaaryahan Arjen Robben,halka labada gool ee kale ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Mehdi Benatia iyo Robert Lewandowski.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Bayern Munich ayaa horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ku hogaamineyso39-dhibcood,halka kooxda Augsburg ay horyaalka uga jirto kaalinta sedaxaad,iyadoo leh 24-dhibcood.

Kooxda Schalke 04 ayaa waxaa garoonkeeda Veltins-Arena 1-2 uga badiyay kooxda FC Cologne.

Kooxda FC Cologne ayaa waxaa qeybtii danbe ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Anthony Ujah iyo Matthias Lehmann oo dhaliyay gool rigoore ah.

Ciyaaryahan Leroy Sane ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka kaliya u dhaliyay kooxda Schalke 04.

Kooxda Schalke 04 ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 23-dhibcood,halka FC Cologne ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh 18-dhibcood.

Kooxda Hertha Berlin ayaa garoonkeeda Olympiastadion 1-0 uga badisay kooxda Borussia Dortmund oo ay xaaladu ku xuntahay.

Ciyaaryahan Julian Schieber ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Hertha Berlin.

Kooxda Hertha Berlin ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta 12-aad,waxana ay leedahay 17-dhibcood,halka kooxda Borussia Dortmund ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Previous Post

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka “War-saxaafadeed”

Next Post

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo Faah faahin ka bixiyay Cida uu u dhexeeyo Dagaalka Dhuusa mareeb ka dhacay

Next Post

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo Faah faahin ka bixiyay Cida uu u dhexeeyo Dagaalka Dhuusa mareeb ka dhacay

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
0

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’ado caalami ah oo si cad uga soo horjeestay...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025
0

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka la qaatay, qaar...

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In