Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidammada oo howl-gal dad lagu qabtay ka sameeyay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammo isku-dhaf ah oo ka kooban Booliis, Nabad-sugid iyo milatari ayaa howl-gal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degaanno ka tirsan Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayay ciidamadu ka bilaabeen howl-galka, ayagoo lug ku maray dhul baadiye ah oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, Ciidamada ayaa baaritaankooda gaarsiiyay Carbiska, Lafoole iyo Ceelasha Biyaha oo ka wada tirsan Shabeelaha Hoose.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in howl-gallada lagu soo qabtay 7 qof oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin ama ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay baaritaan ku wadaan ciidammadu.

“Howl-galkaan wuxuu ahaa howl-gal lagu soo maray degaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, Laga billlaabo degmada Kaxda ilaa Carbiska, Lafoole iyo Ceelasha Biyaha, waxaa la maray dhul “Keymo” ah” ayuu yiri Maxamed Yuusuf

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadu ay gobollada kale ka fulin doonaan howl-gallo sidaan oo kale ah si maleeshiyaadka nabadda diiddan loogu tago fadhiyadooda iyo halka ay iska soo abaabulaan. Sidoo kale waxaa si joogto ah u socda howl-gallada ka soconaya gudaha magaalada Muqdisho.

Previous Post

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Muqdisho Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey “VIDEO”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In