Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiirrada Warfaafinta Kuwait iyo Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Kuwait(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Kuwait, 17 December 2014 – Siihayaha  Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa  magaalada Kuwait kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Kuwait Salman Sabah Al Salem Al-Hamoud Al-Sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta  labada dal ay xiriir joogta ah ka wada yeelan lahaayeen. Wasiir Mustaf ayaa warbixin kooban ka siiyey dhigiisa Kuwait xaalada dalka guud ahaan gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo qorshaha hiigsiga 2016-ka.

 Mudane  Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay soo dhoweynta quruxda badan ee Wasiirka Warfaafinta Kuwait Salman Sabah Al Salem Al-Hamoud Al Sabah. Waxaan ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta ay wadashaqeyn joogta ah u wada yeelan lahaayeen. Waxaan ku faraxsanahay in Wasiirka Warfaafinta ee Kuwait uu naga aqbalay dhammaan qorsheyaashii aan hor-dhignay isla markaasna uu ballanqaaday in wadashaqeynta iyo taageerada Kuwait ay si deg-deg ah u bilaaban doonto.”

 Mustaf Dhuxulow  ayaa ku soo gabogabeeyey hadalkiisa “Kuwait waa waddan ay taariikh dheer oo saaxiibtinimo naga dhaxeyso, waxaana uga mahadceliyey sida ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait ay u soo dhoweeyaan una taageeraan, waxaana kula dardaarmay inay sii wadaan taageeradooda Jaaliyadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha gar-gaarka iyo horumarka dalka Soomaaliya. Waxaan isla garanay inay si deg-deg ah nooga taageeraan dhanka kobcinta tayada shaqaalaha oo ay tababaro joogta ah na siiyaan, inaan is weydaarsano aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha labada wasaaradood, iney naga taageeraan horumarinta SNTV iyo Radio Mogadishu iyo sidii warbaahinta gaarka loo leeyahay ay uga taageeri lahaayeen horumarka warbaahinta Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada .”

DHAMAAD – Wasaaradda Warfaafinta, [email protected]

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

“Cirfo” oo sheegay in Shabaab laga sifeeyn doono dhawaan gobolka Galgaduud

Next Post

Ciidanka XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Xudur

Next Post

Ciidanka XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Xudur

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In