Wednesday, April 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiirrada Warfaafinta Kuwait iyo Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Kuwait(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026

Kuwait, 17 December 2014 – Siihayaha  Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa  magaalada Kuwait kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Kuwait Salman Sabah Al Salem Al-Hamoud Al-Sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta  labada dal ay xiriir joogta ah ka wada yeelan lahaayeen. Wasiir Mustaf ayaa warbixin kooban ka siiyey dhigiisa Kuwait xaalada dalka guud ahaan gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo qorshaha hiigsiga 2016-ka.

 Mudane  Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay soo dhoweynta quruxda badan ee Wasiirka Warfaafinta Kuwait Salman Sabah Al Salem Al-Hamoud Al Sabah. Waxaan ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta ay wadashaqeyn joogta ah u wada yeelan lahaayeen. Waxaan ku faraxsanahay in Wasiirka Warfaafinta ee Kuwait uu naga aqbalay dhammaan qorsheyaashii aan hor-dhignay isla markaasna uu ballanqaaday in wadashaqeynta iyo taageerada Kuwait ay si deg-deg ah u bilaaban doonto.”

 Mustaf Dhuxulow  ayaa ku soo gabogabeeyey hadalkiisa “Kuwait waa waddan ay taariikh dheer oo saaxiibtinimo naga dhaxeyso, waxaana uga mahadceliyey sida ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait ay u soo dhoweeyaan una taageeraan, waxaana kula dardaarmay inay sii wadaan taageeradooda Jaaliyadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha gar-gaarka iyo horumarka dalka Soomaaliya. Waxaan isla garanay inay si deg-deg ah nooga taageeraan dhanka kobcinta tayada shaqaalaha oo ay tababaro joogta ah na siiyaan, inaan is weydaarsano aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha labada wasaaradood, iney naga taageeraan horumarinta SNTV iyo Radio Mogadishu iyo sidii warbaahinta gaarka loo leeyahay ay uga taageeri lahaayeen horumarka warbaahinta Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada .”

DHAMAAD – Wasaaradda Warfaafinta, [email protected]

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

“Cirfo” oo sheegay in Shabaab laga sifeeyn doono dhawaan gobolka Galgaduud

Next Post

Ciidanka XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Xudur

Next Post

Ciidanka XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Xudur

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan ayaa maanta booqasho ku tagtay deegaanka Jaziira, halkaas oo ay qado ugu...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026
0

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

April 28, 2026
0

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In