Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beelo heshiis ku kala saxiixday waqooyiga Gobolka Galgaduud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu soo afmeerayay xiisado colaadeed oo in muddo ah ka taagnaa magaalooyinka Caabudwaaq, Balanballe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Ina Gibile ee waqooyiga gobolkaas, kaasi oo laga gaaray heshiis.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen odayaal dhaqameed, culimaa’udiin iyo mas’uuliyiin ka kala socday degmooyinka Caabudwaaq, Balanballe iyo Xeraale ayaa waxaa uu deegaanka Ina Gibile ee gobolka Galgaduud ka socday muddo 16 cisho ah, waxaana diiradda lagu saaray sidii dadka wada dega deegaanadaasi ee ay ka dhexeeyaan deegaanka iyo daaqsinka loo heshiisiin lahaa.

Related posts

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Cabdirisaaq Xasan Cowl oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maanta la soo gabo gabeeyay kulan in muddo ah ay yeelanayeen qeybaha kala duwan ee waxgaradka ku dhaqan Degmooyinka Balanballe, Caabudwaaq iyo Xeraale, isagoo xusay in uu aad ugu faraxsanyahay waxyaabaha lagu heshiisiiyay.

“Waxaan ku faraxsanahay in cuqaasha dhamaan ay ka qeyb galeen kulanka, isla markaana ay wada qaateen nabadda, xabad xoojin, isu soo noqosho oo lagu daweynayo dadkii wax kala tirsanayay, waxaana uu ku booriyay in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo kormeera qodobada lagu heshiiyay, lana sameysto si wada jir ah ciidamado isku dhaf ah oo ka hortagga wax kasta oo amniga wax u dhimaya” ayuu yiri Cabdirisaaq Xasan Cowl.

Previous Post

Waddada Hanti Wadaag ee degmada Warta Nabadda oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Next Post

Siihayaha Wasiirka Duulista Hawada oo ka hadlay Maamulidda hawada Soomaaliya

Next Post

Siihayaha Wasiirka Duulista Hawada oo ka hadlay Maamulidda hawada Soomaaliya

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

April 14, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada Jubbooyinka

April 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In