Munaasabad balaaran oo lagu weynaynaayay maalinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka December taas oo ay ka soo wareegatya 71 sano, munaasabadan oo maanta lagu qabtay Akadeemiyadda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraala Kaahiyee oo ku taala degmada Xamar Jajab ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, saraakiisha sar sare ee Boliiska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan.
Munaasabada xuska 71 sano guurada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyntii Ciidanka Boliiska waxaa ay ku soo bandhigeen Barxadda Janaraal Kaahiye Gaadi ka ciyaar iyo dhoola tus kala duwan oo mas’uuliyiintii munaasabadda goobjooga ka aheyd iyo dadweynihi ka daawanayay Shaashadda TVga Qaranka Soomaaliyeed oo si toos ah u tabinayay ay si aad ah uga heleen bandhigyadaasi.
Kooxda Heegan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ka qeyb qaadanaya dabaaldega munaasbadda xuska 71 sano guurada Ciidanka Boliiska Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo munaasabada hadda ka socoda Akadeemiyadda tababarada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye.
Munaasabadda xuska sanad guurada 71 aad ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale waxaa lagu qabtay qaar kamid ah gobolada dalka gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaas oo saakay lagu qabtay munaasabad ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed, maamulka gobolka Baay iyo saraakiisha qeybta Boliiska Soomaaliyeed ee gobolka Baay.