Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 20, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Somalia ee TalyaanigaRome.20.December..2014.Sabti,, Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Cabdulle oo Maanta War Qoraal ah ka soo Saarey  Xafiiskiisa Magaalada Rome ee Xarunta Dalka Talyaaniga ayaa ugu horreyn hambalyo ku aaddan xuska sanadguuradii 71aad ee kasoo wareegatay maalintii la aasaasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u diray Dhammaan Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay Booliska waxqabadkii ay muujiyeen iyo sida ay ugu adeegeen Shacbigooda tan iyo markii la aas aasay maanta oo kale 20kii december sanadkii 1943.kii.

Safiirka Somalia ee Talyaaniga Muuse Xasan ayaa tilmaamay in Ciidanka Booliska uu kaalin weyn ku leeyahay hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed ugu xilsaaran xagga ammaanka, isla markaana Boolisku yahay  hooyada Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025

Danjire Muuse Xasan Cabdulle Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa dhanka kale isagoo ku hadlaya magaciisa iyo howlwadeennada safaaradda iyo jaaliyadda hambalyo ugu diray R.Wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke  ee dhawaan uu soo magacaabaya Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u rajeeyey in uu xilkiisa ku guuleysto gudashadiisa,  isla markaana uu ku bogaadiyey inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka ka samata bixisa dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed, uguna adeegta si hufan oo caddaalad ah.

Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in Safaaradda iyo Howlwadeennadeeda diyaar u yihiin mar kasta inay la shaqeeyaan R.Wasaaraha cusub iyo Xukuumaddiisa, isagoo ka dalbaday qeybaha bulshada inay taageeraan R.Wasaare Sharmarke iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono dhawaan, si loo gaaro hiigsiga ay Soomaaliya hiigsaneyso Sanadka 2016.

Previous Post

Baarlamaanka oo ka hadlay wax ka badal lagu sameeyo Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha

Next Post

Munaasabadda xiritaanka sanad dugsiyeedka Dugsiga agoonta Rajo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO+VIDEO”

Next Post

Munaasabadda xiritaanka sanad dugsiyeedka Dugsiga agoonta Rajo oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO+VIDEO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

August 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka

August 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Cumar Cali Afrax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

Danjire Ibraahin oo faahfaahin ka bixiyay doonyo ku degay xeebaha Jaziirada Lampedusa

August 20, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In