Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda xiritaanka sanad dugsiyeedka Dugsiga agoonta Rajo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO+VIDEO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu maamuusayay xiritaanka dugsiga agoonta Rajo ee sanad dugsiyeedka 2013/2014 ayaa maanta lagu qabtay xarunta dugsigaasi oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Xafladda xiritaanka dugsiga agoonta Rajo ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid  Cismaan Caddaawe, gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka ee degmada Yaaqshiid, culumaa’udiin, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

Maamulka Iskuulka agoonta Rajo Marwo Xaawo Maxamuud oo ugu horeyn xafladda ka hadashay ayaa ka warbixisay xaaladda guud ee iskuulka, iyadoo intaa ku dartay in dugsiga ay wax ka bartaan in ka badan 200 arday agoon ah, kuwaasoo isugu jira gabdho iyo wiilal.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab oo halkaasi ka hadashay ayaa ammaan iyo bogaadin usoo jeedisay ururka Rajo oo fadhigiisu yahay magaalada Oslo ee dalka Norwey,  kaasoo  aas aasay iskuulkan, waxeyna ku boorrisay jaaliyadaha Soomaaliyeed iney caawiyaan dugsiga agoonta Rajo.

Marwo Jawaahir Baarqab ayaa ku cel celisay ahmiyadda ay leedahay waxbaridda iyo daryeelka caruurta agoonta ah, waxeyna intaa ku dartay iney mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa dowladda ay gaarsiin doonto xaaladda dugsiga Rajo si loo caawiyo.

Guddoomiyha degmada Yaaqshiid Cismaan Caddaawe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay muwaadiniinta ururka Rajo garashadooda wanaagsan oo ay ku daryeelayaan agoonta ku tabaaleeysan degmada Yaaqshiid, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada, jaaliyadaha iyo dadka wax heysta ineey gacan ka geystaan horumarinta dugsiga agoonta Rajo.

Ururka Rajo oo fadhigiisu yahay magaalada Oslo ee dalka Norwey ayna ku mideysanyihiin muwadiniin Soomaaliyeed oo muxsiniin ah, ayaa Laba sano ka hor  degmada Yaaqshiid dugsiga agoonta, waxaana iminka wax ka barta in ka badan 200 oo arday agoon ah.

vlcsnap-2014-12-20-15h28m24s0 vlcsnap-2014-12-20-15h28m39s197 vlcsnap-2014-12-20-15h28m50s52 vlcsnap-2014-12-20-15h29m03s176 vlcsnap-2014-12-20-15h29m14s48 vlcsnap-2014-12-20-15h29m28s176 vlcsnap-2014-12-20-15h29m39s28 vlcsnap-2014-12-20-15h34m52s86 vlcsnap-2014-12-20-15h35m49s152 vlcsnap-2014-12-20-15h36m09s100 vlcsnap-2014-12-20-15h37m16s6 vlcsnap-2014-12-20-15h38m33s9 vlcsnap-2014-12-20-15h42m13s139

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

Next Post

Soomaaliya oo laga caawin doono xagga dib u dhiska

Next Post

Soomaaliya oo laga caawin doono xagga dib u dhiska

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In