Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Napoli oo Rigoorayaal Kooxda Juventus uga Qaaday Super Cup-ka Dalka Talyaaniga“SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Celee

Kooxda Napoli ayaa ku guuleysatay Super Cup-ka dalka talyaaniga,ka dib markii ay rigoorayaal 6-5 ah uga badisay kooxda Juventus.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Koobkan ayaa waxaa ciyaaro kooxda ku guuleysato koobka talyaaniga ee Serie A-da iyo kooxda ku guuleysato koobka Coppa italia ee dalka talyaaniga.

Ciyaartan u dhaxeysay kooxaha Juventus iyo Napoli ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Jassim Bin Hamad Stadium oo ku yaalo caasimada dalka Qatar ee Dooxa.

Koobkan ayaa ahaa koobkii 27-aad ee Super Cup-ka dalka talyaaniga.

Kooxda Juventus ayaa goolka la hor martay,waxaana shanaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Carlos Tevez,sidasi ayaan lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Celee 1

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Napoli,sidasi ayeyna ku dhamaatay waqtigii loogu tala galay ciyaarta,waxaana lagu daray 30-daqiiqo oo dheeraad ah.

celee

Ciyaaryahan Carlos Tevez ayaa bilowgii qeybtii labaad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Juventus.

Cele 2Carlos celee

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa dhamaadkii qeybtii labaad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta goolka labaad ee barbardhaca u dhaliyay kooxda Napoli.

Hi celee

Ciyaarta ayaa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta ku dhamaatay barbardhac 2-2 ah,waxana lagu kala baxay rigoorayaal ama gool ku laad.

Gool hayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa badbaadiyay sedax rigoore,laakin ma aysan ka faa’ideysan ciyaartoyda kooxda Juventus.

Gool hayaha kooxda Napoli Rafael Cabral ayaa rigoorada ay kooxdiisa koobka ku qaaday ka qabtay ciyaaryahan Simone Padoin.

Kooxda Napoli ayaa ku guuleysatay markii labaad taariikhda koobka Super Cup-ka dalka talyaaniga.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Hadaba Sidey Kooxaha ugu Kala Guuleystay Super Cup-ka Dalka Talyaaniga?

Next Post

Hadaba Sidey Kooxaha ugu Kala Guuleystay Super Cup-ka Dalka Talyaaniga?

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In