Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Napoli oo Rigoorayaal Kooxda Juventus uga Qaaday Super Cup-ka Dalka Talyaaniga“SAWIRRO”

December 22, 2014
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Celee

Kooxda Napoli ayaa ku guuleysatay Super Cup-ka dalka talyaaniga,ka dib markii ay rigoorayaal 6-5 ah uga badisay kooxda Juventus.

Related posts

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

March 31, 2022
Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

December 27, 2021

Koobkan ayaa waxaa ciyaaro kooxda ku guuleysato koobka talyaaniga ee Serie A-da iyo kooxda ku guuleysato koobka Coppa italia ee dalka talyaaniga.

Ciyaartan u dhaxeysay kooxaha Juventus iyo Napoli ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Jassim Bin Hamad Stadium oo ku yaalo caasimada dalka Qatar ee Dooxa.

Koobkan ayaa ahaa koobkii 27-aad ee Super Cup-ka dalka talyaaniga.

Kooxda Juventus ayaa goolka la hor martay,waxaana shanaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Carlos Tevez,sidasi ayaan lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Celee 1

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Napoli,sidasi ayeyna ku dhamaatay waqtigii loogu tala galay ciyaarta,waxaana lagu daray 30-daqiiqo oo dheeraad ah.

celee

Ciyaaryahan Carlos Tevez ayaa bilowgii qeybtii labaad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Juventus.

Cele 2Carlos celee

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa dhamaadkii qeybtii labaad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta goolka labaad ee barbardhaca u dhaliyay kooxda Napoli.

Hi celee

Ciyaarta ayaa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta ku dhamaatay barbardhac 2-2 ah,waxana lagu kala baxay rigoorayaal ama gool ku laad.

Gool hayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa badbaadiyay sedax rigoore,laakin ma aysan ka faa’ideysan ciyaartoyda kooxda Juventus.

Gool hayaha kooxda Napoli Rafael Cabral ayaa rigoorada ay kooxdiisa koobka ku qaaday ka qabtay ciyaaryahan Simone Padoin.

Kooxda Napoli ayaa ku guuleysatay markii labaad taariikhda koobka Super Cup-ka dalka talyaaniga.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Hadaba Sidey Kooxaha ugu Kala Guuleystay Super Cup-ka Dalka Talyaaniga?

Next Post

Hadaba Sidey Kooxaha ugu Kala Guuleystay Super Cup-ka Dalka Talyaaniga?

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacabay La Taliyeyaal cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacabay La Taliyeyaal cusub

May 26, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In