Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Urur dhallinyaro oo ku dhawaaqay wax ka qabashada Soomaali ku dhibaataysan Koonfur Afrika”sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Naadiga dhalinyarada Hiilo ayaa magaalada Cape Town waxaa ay ku qabteen kulan looga hadlayay arrimaha dhalinyarada Soomaalida ee ku nool magaaladaasi gaar ahaan kuwa noqday darbi Jiifka iyo kuwa u baahan caawinta dhanka waxbarashada ayada oo kulanka ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankaan oo ahaa mid ay si heer sare ah u soo agaasimeen ururka dhalinyarada Hiilo ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Cape town Ee dalka South Africa ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada waxgarad aqoon yahano iyo qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee ku nool gobolka Western Cape .

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Ujeedka kulanka ay u soo agaasimeen Naadiga dhalinyarada Hiilo waxaa uu ahaa in bulshada u soo bandhigeen waxqabadkii naadiga iyo arrimaha ay hiigsanayaan waxaana halkaasi ay ku soo bandhigeen sida ay u doonayaan in ay diirada u saaraan wax ka qabashada arrimaha dhalinyarada gaar ahaan kuwa darbi jiifka ah iyo kuwa u baahan in laga caawiyo waxbarashada.

Marti sharaftii kala duwanaa ee goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay howsha ay hayaan naadiga Hiilo iyo qorshooyinka ay damacsan yihiin waxaana ay balan qaadeen in ay garab kusiin doonaan howl walba oo looga baahdo.

Afhayeenka Naadiga Hiilo Cabdi Qadar Maxamed Cali “Ugaas Qadar” ayaa sheegay in howsha ay wadaan ay tahay mid samafal ah oo loogu tala galay dhalinyarada ku lumay isticmaalka maandooriyaha iyo kuwa ku biiray darbi jiifka ee ku nool magaalada cape town.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Naadiga Hiilo ayaa balan qaaday in ay xooga saari doonaan sidii ay ula tacaali lahaayeen dhalinyarada ku lumay daroogada iyo wax la midka ah.

kulankaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli mudooyinkii dambe ay sii badanayeen dhalinyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Cape Town oo ku biiraya nolosha dayacan ee darbi jiifka,waxaana qaarkood ay dhibaato ku hayaan dadka ku nool xaafada Ay Soomaalidu ku badan tahay Bellville.

IMG_4001 IMG_4017 IMG_4021 IMG_4023 IMG_4030 IMG_4033 IMG_4034 IMG_4053 IMG_4056 IMG_4081 IMG_4083 IMG_4085 IMG_4090 IMG_4096 IMG_4100 IMG_4106 IMG_4131 IMG_4161 IMG_4167

Wariye C/laahi Amin Qorshe ee Cape Town

Previous Post

Wafdi ka socoda dowladda oo maanta gaaray Degmada Tayeglow

Next Post

Barlamaanka Soomaaliya oo beri la horgeyn doono  Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid”sawiro”

Next Post

Barlamaanka Soomaaliya oo beri la horgeyn doono  Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid"sawiro"

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In