Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo cambaareeysay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Xalane.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 26, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu cambaareeyay weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shalay xilligii qadada ay kooxo argagixiso ah isku dayeen ineey galaan xarunta aadka loo ilaaliyo ee Xalane, halkaasoo ay kala kulmeen dagaal culus.

Related posts

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025

Warka ayaa intaasi ku daray in raggi weerarka soo qaaday  5 ka mid ah la dilay, halka 3 ka mid ah argagixisada la sheegay in nolosha lagu qabtay.

AMISOM ayaa xaqiijisay in weerarkii shalay ay ku geeriyoodeen 3 ka mid ah ciidanka AMISOM iyo qof rayid ah, waxeyna AMISOM tilmaantay in ammaanka xarunta ay xasiloontahay islamarkaasna ay ciidamada Midowga Africa iyo shaqaalaha UN-ka ay bed qabaan.

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya  Maman S. Sidikou ayaa aad usoo dhaweeyay sida dhiifoonaanta leh ee ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM uga hortageen weerarka lagu soo qaaday xarunta Xalane.

Amb. Sidikou ayaa uga tacsiyeeyay ehelada iyo qaraba  dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Xalane, isagoo hoosta ka xariiqay in dadkaasi ay u geeriyoodeen difaaca dalka ayna galeen taariikhda Soomaaliya.

Wakiilka ayaa hoosta ka xariiqay in weerarada argagixiso ee noocan oo kale ah aysan marnaba hakad gelineynin howsha ay Midowga Africa iyo beesha caalamku ku garab taaganyihiin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

R/wasaare Sharma’arke oo ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed uu dalka ku hogamindoono (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

R/wasaare Sharma'arke oo ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed uu dalka ku hogamindoono (Dhageyso+Sawirro)

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka...

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis Lančinskas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In