Monday, September 25, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo cambaareeysay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Xalane.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 26, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu cambaareeyay weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shalay xilligii qadada ay kooxo argagixiso ah isku dayeen ineey galaan xarunta aadka loo ilaaliyo ee Xalane, halkaasoo ay kala kulmeen dagaal culus.

Related posts

Shir looga hadlayay hirgelinta habraaca Qaran tababarka Ardayda ee Isbitaalada oo lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay hirgelinta habraaca Qaran tababarka Ardayda ee Isbitaalada oo lagu qabtay Muqdisho

September 25, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga

September 25, 2023

Warka ayaa intaasi ku daray in raggi weerarka soo qaaday  5 ka mid ah la dilay, halka 3 ka mid ah argagixisada la sheegay in nolosha lagu qabtay.

AMISOM ayaa xaqiijisay in weerarkii shalay ay ku geeriyoodeen 3 ka mid ah ciidanka AMISOM iyo qof rayid ah, waxeyna AMISOM tilmaantay in ammaanka xarunta ay xasiloontahay islamarkaasna ay ciidamada Midowga Africa iyo shaqaalaha UN-ka ay bed qabaan.

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya  Maman S. Sidikou ayaa aad usoo dhaweeyay sida dhiifoonaanta leh ee ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM uga hortageen weerarka lagu soo qaaday xarunta Xalane.

Amb. Sidikou ayaa uga tacsiyeeyay ehelada iyo qaraba  dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Xalane, isagoo hoosta ka xariiqay in dadkaasi ay u geeriyoodeen difaaca dalka ayna galeen taariikhda Soomaaliya.

Wakiilka ayaa hoosta ka xariiqay in weerarada argagixiso ee noocan oo kale ah aysan marnaba hakad gelineynin howsha ay Midowga Africa iyo beesha caalamku ku garab taaganyihiin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

R/wasaare Sharma’arke oo ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed uu dalka ku hogamindoono (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

R/wasaare Sharma'arke oo ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed uu dalka ku hogamindoono (Dhageyso+Sawirro)

Shir looga hadlayay hirgelinta habraaca Qaran tababarka Ardayda ee Isbitaalada oo lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay hirgelinta habraaca Qaran tababarka Ardayda ee Isbitaalada oo lagu qabtay Muqdisho

September 25, 2023
0

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maryan Maxamad Xuseen ayaa maanta guddoomisay kulan looga arinsaday Hergelinta Habraaca Qaran ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga

September 25, 2023
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee...

Wasiir Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kormeeray Koonfurta Gobolka Mudug “SAWIRRO”

Wasiir Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kormeeray Koonfurta Gobolka Mudug “SAWIRRO”

September 25, 2023
0

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ah mudane Axmed Xasan, Lataliyaha...

Prime Minister Hamza addresses the largest Somali community in Minnesota, U.S

Prime Minister Hamza addresses the largest Somali community in Minnesota, U.S

September 25, 2023
0

H.E. Prime Minister @HamzaAbdiBarre addressed the largest Somali community in the U.S with a powerful speech in Minnesota. PM Barre...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In