Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.W Sharma’arke: “Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee lala beegsaday Xerada AMISOM”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda F. Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si kulul u cambaareyey weerarkii fulaynimo ee dabley ka tirsan kooxaha Al-shabaab ay shalay ku qaadeen xerada Xalane ee ciidamadda midowga Africa ee Soomaaliya oo ku taalla Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay falkaas isagoona caafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay, wuxuna tilmaamay in kooxaha Al-shabaab marnaba ayan is hor istaagi karin hannaanka nabad ku soo dabaalidda dalka, ayna diyaar u tahay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa walaalaha AMISOM iyo buslahada Caalamka inay ka hortagaan ficillada ay gaysanayaan argagaxisadu.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026

“Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee lala beegsaday xerada ciidamadda AMISOM ee muqdisho. Midowga Africa waa saaxiib aan leennahay oo gacan naga siiya sidii ay Soomaaliya markale cagaheeda isugu taagi lahayd, sidaa daraadeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ka xunyiin beegsiga xeradaas”

“Weerarkaan wuxuu na-tusayaa sida ay u wiiqan tay awoodda Argagixisada, iyagoo ku soo koobay howl galladooda is qarxin iyo weeraro naf-lacaarinimo ah. Waxaan sii wadaynaa inaan si adag u wajahno isku dayada aan ku badbaadinayno shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee dalka martida ku ah” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke oo intaas raaciyay kadib Werarkaan argagaxisadu soo qaaday, dowladu in ay isku howlayso baaritaano lagu xaqiijinayo meelaha jilicsan ee argagxisadu weeararada ka soo qaadi karto iyo qaababka u sahlaya inuu dhaco weerar noocaan ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay Xukuumaddiisu in ay muhiimadda koobaad siin doonto sidii loo heli lahaa nabad waarta oo ka dhacda dalka oo dhan, si muwaadin walba ugu noolaado isagoon wax cabsi ah ka qabin kooxaha argagaxisada ee caadeystay daadinta dhiiga dadka bulshada indha hooda ah

Previous Post

Ciidanka NISA oo soo afjaray howlgalkii Xalane

Next Post

Muran u dhexeeyay Shaqaalaha iyo Cisbitaalka Deva oo xal laga gaaray

Next Post

Muran u dhexeeyay Shaqaalaha iyo Cisbitaalka Deva oo xal laga gaaray

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In