Kulankan guddiga Joogtada ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay maanta xarunta Villa Hargeysa ee magalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddominayey kusimaha Madaxweynaha dalka ahna Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliya Mudame Maxameed Sheekh Cismaan”Jawaari” ayaa looga hadlay labo arrimood oo kala ahaa u diyaar gorowga ansixinta barnamijka xukumada cusub ee Soomaaliya, oo dhawaan lagu wado in la horgeeyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya , iyo sidii xubnaha Barlamaanku ay u dardargelin lahaa meel marinta Hindise -sharciyeedyada muhiimka u ah hergalinta Hiigsiga sanadka 2016-ka ee horyaalka Barlmaanka Soomaaliya.
Kulanka oo qaatay mudo saacado badan ayaa markii uu soo idlaaday waxa warbaahinta Qaranka la hadalay xoghayaha guud ee golaha shacabka Soomaaliyeed mudane Cabdikariin Xaaji Buux waxaana uu sheegay in kulankan uu aad muhiim ugu ahaa shaqooyinka hadda horyaala Barlamaanka Soomaaliya hergelintooda.
“Shuruucda muhiimka u ah Hiigsiga sanadka 2016-ka oo hortaala Barlamaanka Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in la dhemeeyo Kalfadhigan 5 aad ayaa kamid aheyd kulankan maanta” ayuu sheegay Xoghayaha Barlamaanka Mudane Buux.
Golaaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala Hindise-sharciyeedyo aad u badan kuwaas oo muhiim u ah howlaha Wasaaradaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, iyadoo Kalfadhiga 5 aad ee Barlamaanka Soomaaliya uu dhamaanayo bisha Janaayo ee sanadka cusub.