Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta deeq gurmad ah gaarsiiyey haweeney Soomaaliyeed oo dhashay Afar carruur oo mataanno ah oo ku jira Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdsho.
Marwada madaxweynaha booqashada ay ugu tagtay Hooyo Soomaaliyeed oo afar Carruur ah dhashay waxaa ku wehliyey xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Somali, Marwada ayaa xog weysi la yeelatay Xaaladda Caafmaad ee ay ku sugan tahay hooyada afarta carruurta ah dhashay oo saddex ka mid ah ay ka geeriyoodeen, mid ka mid ahna carruurtaasi uu weli ku jiro Isbtaalka ay gacanta ku hayaan Dhaqaatiirta Masaarida ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Xubnaha Marwada la socdey ay ku jireen Xildhibaanno, Haweenka gobolka Banaadir iyo maamulka degmada Hodan ayaa dhamaantood Marwada madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada ay ugu timid hooyada Soomaaliyeed ee dhibaateysan, iyagoo sidoo kale shacbiga Soomaaliyeed ee uu ALLE wax siiyey ug u baqay in ay ka qeyb qaataan gurmad u fidinta Hooyadaasi Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii marwada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Sahro Cumar Xasan ayaa uga ku ammaantay una mahadcelisay Dhaqaatiirta Masaarida ah dadaalka ay ku galeen in ay caawiyaan hooyada Soomaaliyeed ee afarta carruurta ah mar wada dhashay, sidoo kale waxa ay xustay in lagama maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay is gargaaraan waxa ayna ALLE uga bariday hooyada Soomaaliyeed ee Afarta mataanada ah dhashay in uu caafmaad siiyo, iyagana ay garab taagan yihiin.