Dhalinyarada Ururka SYL-II uu xirfadaha u abuuray ayaa waxay munaasabad fantasiyo ciyaaro kala duwan ay ku soo bandhigeen Garoonka Ex Luujino ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, waxaana bandhigan uu ahaa kii u horeeyay noociisa oo ay isugu yimaadaan boqolaal dhalinyaro
Munaasabadaan ayaa waxay ka koobneyd qeybo kala duwan oo isugu jiray heeso, ciyaaro dhaqan, majaajilo iyo ciyaaraha kubadda gacanta oo ay wada ciyaareen kooxaha Heegan iyo Horseed, waxaana dhalinyaradan ay tiradooda gaareysay ilaa 2000, kuwaasoo ka kala yimid gobolada SYL-II ay ka shaqeyso oo dhan sida Banadir, SH/hoose, Bay iyo Bakool.
Dhalinyaradaan ayaa Waxay kasoo kala jeedeen deegaanno kala duwan dhan walbo, iyadoo ujeedada fantasiyahan uu ahaa In dhalinyarada SYL-II ay xirfadfaha u abuurtay oo dhan ay isugu yimaadaan hal meel oo qura oo ayna wadagaan farxad iyo in ay muujiyaan is-dhexgalka qiimaha uu leeyahay.
Sidoo kale waxaa fantasiyahan uu xambaarsanaa hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ciyaaro xiiso badan, sida Kubada Gacanta oo ay ku loolamayeen Kooxaha Gabdhaha ee Heegan iyo Horseed, waxaana Koobkan uu ahaa koobka nabada.
Dhalinyarada SYL-II ayaa ku muujiyay fantasiyahan isku xirnaan iyo walaaltinimo, waxaana ka muuqatay in waxqabadkii uu ururkan u sameeyay dhalinyarada Soomaaliya mid miro dhal ah oo guul hiigsaday, waxaa SYL-II ay u noqotay guul waxqabadkeeda ah iyo in ay muuqato xiriirka ay la leedahay dhalinyarada ay soo tababartay 4-tii sano ee la soo dhaafay iyadoo dhalinyaradu wixii ay SYL-II ku barbaarisay soo bandhigaayaan
Ururka dhalinyarada SYL-II waxuu u sameeyay dhalinyarada shabakado kala duwan oo isku xirkooda qeyb weyn ka qaatay in iyaga dhexdooda ay isku xirnaadaan iyo waliba in ay SYL-II ku xirnaadaan.
Dufcad kasto waxay leedahay madal oo ay wax walbo oo xog ah ku wadagaan ama isku dhafsadaan dhexdooda iyo SYL-II gobol kasto ay joogaan.
Waxaa kaloo SYL II ay ka rumeysay oraahdeeda ahaa “Ka timid Dhalinyaro, Ku socoto Dhalinyaro” By the Youth, for the Youth” sababtoo ah dhalinyarada iyagaa abaabulay munaasabadan isku imaanshaha ah oo ay ku wadaagayeen fantasiyahan, maadaama ay SYL-II u abuurtay xirfado kala duwan sida in ay iyaga wax ka abaabuli karaan, bandhiga ay sameynsan karaan, aragtidooda ay soo bandhigi karaan.
“Waxaa SYL-II farxad u ah in ay gaartay hadafkii ay ka lahayd dhalinyarada in ay gaaraan. Dhalinyarada ka kala timid Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose waxaa marti geliyay kuwa ku nool gobolka Banaadir oo siiyay hooy iyo cuntaba iyadoo sida loo kala dhaqaale roon yahay u kala qeybsaday martidooda uga timid gobolada maadaama maalinimada ay yimaadeen barnaamijka uusan qabsoomi Karin iyo sidoo kale iyaga ayaa si wadajir ah iskala qayb qaatay abaabulka barnaamijkaan isku imaashaha iyo waqti isla qaadashada”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ururka SYL II oo looga hadlayay bandhigan fantasiyaha ciyaareed ee lagu qabtay Garoonka Ex Luujino.
Ugu dambeyn Natiijada laga filayay barnaamijkan ayaa ahaa sidii SYL-II ay u noqon laheyd marqaati in ay gaartay wax la taaban karo, In ay cadaato SYL-II in ay saameysay dhalinyaro aan isku deegaan ahayn, aan isku qabiil ahayn hadana isku xiran oo is jecel nololshooduna ay bedelantay iyo waliba aragtidooda waxa ay aaminsanaayeen.