Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamada Sare ee Dalka Kenya oo Hakisay Qodobo Ku Jira Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maxkamada Sare ee Dalka Kenya oo Hakisay Qodobo Ku Jira Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta hakisay dhaqan galka sideed qodob oo ka mid ah sharciga muranka dhaliyay ee wax ka bedelka ammaanka dalka Kenya, kaasoo laba toddobaad ka hor uu meel mariyay baarlamaanka dalka Kenya,islamarkaana uu saxiixay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD iyo gudiga qaranka ee xuquuqda aadanaha ee dalka Kenya ayaa dacwad ka dhan ah sharcigan u gudbiyay maxkamadda sare eedalka Kenya.

Related posts

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026

Qodobada ay maanta hakisay maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa waxa kala yihiin qodobada 12, 16, 26, 29, 48,56,58,64 ee ku jira sharciga ammaanka dalka Kenya ee isbedelka lagu sameeyay sanadkii 2014-ta.

Garsooraha maxkamadda sare ee Kenya George Odunga ayaa ku sheegay in sideed qodob oo sharcigan ka mid ah la hakiyay, kuwaasoo ahaa kuwo ay si aad ah walaac uga muujiyeen hay’adaha xuquuqda aadanaha, isagoo dalbaday in la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah si sharcigaan looga doodo.

Sharcigan cusub ayaa sameyntiisa waxaa sabab u ahaa kaddib markii ay Kenya ku bateen weerarrada ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka geysanayaan gudaha dalkani, kuwaasoo qal-qal geliyay amniga guud ee Kenya.

Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Uhuru ayaa wali wax jawaab ah ka bixin joojinta dhaqan galka qaar ka mid ah sharcigan oo ay baarlamaanka dalka Kenya horay u ansixiyeen 18-kii bishii December.

Qodobada isticmaalkooda la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka ku saabsan in xabsiga lagu hayn karo muddo hal sano ah maxkamad la’aan qofkii lagu tuhmo argagaxisonimo iyo inaysan saxaafadu baahin karin wararka ku saabsan falalka amni-xumada ah ee ay geysteen argagaxisada iyo kooxaha kale ee hubeysan, Kuwaasoo ahaa qodobbadii ay shacabka dalka Kenya sida aadka ah uga qayliyeen.

Sidoo kale qodobbada xayiraadda lagu soo rogay ayaa waxaa ka mid ah inay Kenya joogi karaan markiiba 150,000 oo ruux oo qoxooti ah, qodobkan oo ka mid ahaa kuwa walaaca xooggan muujiyay.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay markii uu sharcigan saxiixayay 19-kii bishii la soo dhaafay ee December, 2014; in uusan ahayn mid ka hor-imaanaya dastuurka u degsan Kenya, isla markaana aan xad-gudub ku ahayn xuquuqda shacabka.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee CORD Raila Odinga iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta xisbiga ayaa maanta ka soo baxay maxkamada sare,iyagoo ku faraxsan go’aanka uu garsooraha maxkamada sare George Odunga ku hakiyay qaar mid qodobada muranka dhaliyay ee sharciga ammaanka dalka Kenya.

Raila

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Abaalmarin qaali ah lagu gudoonsiiyay Dalka Polanad{SAWIRRO}

Next Post
Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Abaalmarin qaali ah lagu gudoonsiiyay Dalka Polanad{SAWIRRO}

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Abaalmarin qaali ah lagu gudoonsiiyay Dalka Polanad{SAWIRRO}

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In