Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamada Sare ee Dalka Kenya oo Hakisay Qodobo Ku Jira Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 2, 2015
in Wararka
0
Maxkamada Sare ee Dalka Kenya oo Hakisay Qodobo Ku Jira Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta hakisay dhaqan galka sideed qodob oo ka mid ah sharciga muranka dhaliyay ee wax ka bedelka ammaanka dalka Kenya, kaasoo laba toddobaad ka hor uu meel mariyay baarlamaanka dalka Kenya,islamarkaana uu saxiixay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD iyo gudiga qaranka ee xuquuqda aadanaha ee dalka Kenya ayaa dacwad ka dhan ah sharcigan u gudbiyay maxkamadda sare eedalka Kenya.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Qodobada ay maanta hakisay maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa waxa kala yihiin qodobada 12, 16, 26, 29, 48,56,58,64 ee ku jira sharciga ammaanka dalka Kenya ee isbedelka lagu sameeyay sanadkii 2014-ta.

Garsooraha maxkamadda sare ee Kenya George Odunga ayaa ku sheegay in sideed qodob oo sharcigan ka mid ah la hakiyay, kuwaasoo ahaa kuwo ay si aad ah walaac uga muujiyeen hay’adaha xuquuqda aadanaha, isagoo dalbaday in la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah si sharcigaan looga doodo.

Sharcigan cusub ayaa sameyntiisa waxaa sabab u ahaa kaddib markii ay Kenya ku bateen weerarrada ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka geysanayaan gudaha dalkani, kuwaasoo qal-qal geliyay amniga guud ee Kenya.

Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Uhuru ayaa wali wax jawaab ah ka bixin joojinta dhaqan galka qaar ka mid ah sharcigan oo ay baarlamaanka dalka Kenya horay u ansixiyeen 18-kii bishii December.

Qodobada isticmaalkooda la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka ku saabsan in xabsiga lagu hayn karo muddo hal sano ah maxkamad la’aan qofkii lagu tuhmo argagaxisonimo iyo inaysan saxaafadu baahin karin wararka ku saabsan falalka amni-xumada ah ee ay geysteen argagaxisada iyo kooxaha kale ee hubeysan, Kuwaasoo ahaa qodobbadii ay shacabka dalka Kenya sida aadka ah uga qayliyeen.

Sidoo kale qodobbada xayiraadda lagu soo rogay ayaa waxaa ka mid ah inay Kenya joogi karaan markiiba 150,000 oo ruux oo qoxooti ah, qodobkan oo ka mid ahaa kuwa walaaca xooggan muujiyay.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay markii uu sharcigan saxiixayay 19-kii bishii la soo dhaafay ee December, 2014; in uusan ahayn mid ka hor-imaanaya dastuurka u degsan Kenya, isla markaana aan xad-gudub ku ahayn xuquuqda shacabka.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee CORD Raila Odinga iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta xisbiga ayaa maanta ka soo baxay maxkamada sare,iyagoo ku faraxsan go’aanka uu garsooraha maxkamada sare George Odunga ku hakiyay qaar mid qodobada muranka dhaliyay ee sharciga ammaanka dalka Kenya.

Raila

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Abaalmarin qaali ah lagu gudoonsiiyay Dalka Polanad{SAWIRRO}

Next Post
Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Abaalmarin qaali ah lagu gudoonsiiyay Dalka Polanad{SAWIRRO}

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Abaalmarin qaali ah lagu gudoonsiiyay Dalka Polanad{SAWIRRO}

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In