Sunday, July 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 4, 2015
in Wararka
0
Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhawaad 30 haweeen ah oo laga kala keenay degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa manta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho, kaasi oo ku saabsanaa sare u qaadidda heerkooda aqooneed.

Tababarkan oo socday muddo lix bil ah, isla markaana ay soo qaban qaabisay hay’adda SOWDA oo ah hay’ad u dhaq dhaqaaqda arrimaha haweenka, loona qabtay ku dhawaad 30 haween ah oo laga kala keenay degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa waxaa lagu barayay maamulka iyo maareynta xafiisyada, ganacsiga iyo xirfado yar yar oo ay ku shaqeysan karaan, waxaana xiritaankii tababarkaasi ka qeyb galay ururada haweenka ee Qaranka iyo kan gobolka, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Related posts

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

July 27, 2025
Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

July 27, 2025

Faadumo Cabdullaahi Macalin oo ah guddoomiyaha hay’adda SOWDA ayaa sheegtay in tabaarka ay ka faa’iideysteen haween laga soo xulay degmooyinka Gobolka Benaadir, waxaana ay ku boorisay inay bulshada ugu adeegaan waxyaabaha ay tababarku ku qaateen.

Qaar ka mid ah haweenkii tababarka loo soo xiray oo ka hadlay dareenkooda ayaa soo dhaweeyay tababarka loo qabtay.

Canab Xasan Cilmi Guddoomiye ku-xigeenka ururka Haweenka Qaranka iyo Jawaahir Baarqab Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Benaadir ayaa si isku mid ah dar daaran u jeediyay ardaydii tababarka nasiibka u heshay.

Jamiilo Saciid Muuse oo ku hadlaysay magaca haweenka qurbo joogta ah, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabatay dowladihii dalka soo maray ayaa tilmaamtay in aad ugu faraxsantahay in haween intan la eg loo qabto tababar lagu kobcinayo aqoontooda.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo soo xirtay tababarka ayaa xustay in ururka Haweenka Qaranka uu dhiiri gelinayo ardayda tababarka dhamaysatay, isla markaana ay gacan ka geystan doonaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa.

 

 

Previous Post

Gudoomiyaha G/Sh/dhexe oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

Xuska dhalashada Nabigeena Muxamad (NNKH) oo lagu qabtay Mareykanka “Sawirro+Dhageyso”

Next Post
Xuska dhalashada Nabigeena Muxamad (NNKH) oo lagu qabtay Mareykanka “Sawirro+Dhageyso”

Xuska dhalashada Nabigeena Muxamad (NNKH) oo lagu qabtay Mareykanka "Sawirro+Dhageyso"

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

July 27, 2025
0

Rakaabkii saarnaa diyaaradda American Airlines ayaa si deg-deg ah looga daadgureeyay qaybta badbaadada ee diyaaradda, kadib markii ay soo wajahday...

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

July 27, 2025
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa xaq-udirirka deegaanka ayaa hawlgal ay u fuliyeen si wadajir ah, waxa ay ku fashiliyeen dhagar...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada haweenka ee SSC-Khaatumo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada haweenka ee SSC-Khaatumo

July 27, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa xarunta dhexe ee Guddiga ee ku taalla magaalada Laascaanood...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan Wadatashi ah la qaatay wax-garadka mid ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In