Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha G/Sh/dhexe oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa (Dhageyso+Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 5, 2015
in Wararka
0
Gudoomiyaha G/Sh/dhexe oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa (Dhageyso+Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka maalinlaha ah ee Sahanka oo ka baxa Radio Muqdisho ayaa waxaa marti ku ahaa gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/Dhexe Cali Guudlaawe, wuxuuna ka hadlay xaaladaha guud ee ka jira gobolka, waxqabadka maamulkiisa iyo himilooyinka uu higsanayo.

Gudoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in maamulkiisu wax la taaban karo ka hirgeliyay gobolka, kuwaas oo sida uu sheegay isugu jira, nabadgelyada, soo celinta adeegyadii bulshada, hirgelinta mashaariic horumarineed, iyo dib u heshiisiin.

Wuxuu tilmaamay in maamulkiisu wado qorshayaal looga hortagayo fatahaadda wabiga oo dhibaato ba’an ku haya dadka ku nool nawaaxiga webiga, kaasoo sababa barakac iyo dalagii beeraha uu baabi’iyo.

Dhinaca kale gudoomiye Guudlaawe ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu xiriir wanaagsan iyo wada shaqeynba la leeyahay qeybaha bulshada ee ku nool gobolkaasi.

Gudoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in gobolka Sh/dhexe uu leeyahay kheyraadka badda iyo berriga ah, sidaasi darteed uu maamulkiisu mudnaanta koobaad siinayo sidii looga faa’iideysan lahaa beeraha, xoolaha kalluunka iyo macaadinta ku jirta badda iyo berriga.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/01/BAR-SAHANKA-TABIYE-NASHNAAL-04.01.2015.mp3

DSC02050 DSC02054 DSC02061 DSC02062
DSC02064

Sawir Qaade:-Farxaan Sulaymaan Daahir

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
Previous Post

Maamulka gobolka Sh/Hoose oo ku amray hey’adaha samafalka iney is diiwaangeliyaan

Next Post

Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho

Next Post
Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho

Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In