Siihayaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta ka warbixyay waxqabadka Wasaaradda ee sanadkii tegay, isagoo dhanka kale kormeerey xarumo ay kamid tahay fiishabaraa ee taarigooyinka iyo leysimada lagu bixiyo.
Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel Siihayaha Wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaliya oo ugu horeyn kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda ayaa kala hadlay qorshayaasha u degsan iyo tallaabooyinka ay ku talaabsadeen muddada sanadka ah ee la soo dhaafay.
Siihayaha Wasiirka ayaa kormeer ku tegay xarunta Fiisha baraa oo lagu soo kordhiyay qalab casri ah oo ku aadan sameynta kaararka aqoonsiga iyo sharciyada baabuur wadidda, waxaana uu mid mid u galay qolalka ay yaalaan qalabkaasi casriga ah.
Sidoo kale intii uu kormeerka ku jiray waxa uu tegay xarunta Wasaaradda Gaadiidka oo ay ka socotay dhismooyin lagu soo kordhiyay qeybta baabuurta lagu sameeyo.
Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel Siihayaha Wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaliya oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii tegay Wasaaradda u qabsoontay arrimo badan oo ay ugu horeyo maamulida hawada Soomaaliya oo ay dowladdu la wareegtay muddo 20 sano kaddib iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydho oo heer gabo gabo ah maraya.