Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 5, 2015
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka koofur galbeed u jeediyay beelo walaalo ah oo ku dagaalay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Xildhibaannadan oo ah guddi ay dowladda dhexe iyo maamulka Koofur galbeed u xilsaareen joojinta colaad ka jirtay gobolka Sh/hoose ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku soo dhaweeyay baaqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka Koofur galbeed  iyo xabad joojinta ka dhaqan gashay beelaha ku dagaalamay gobolka Sh/hoose.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Odayaasha dhaqanka ee beelaha ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ka qeybgalay kulanka guddiga xildhibaanada ah ayaa ballan qaaday iney ka shaqeyn doonaan nabadda, ayna soo dhaweynayaan baaqa madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan  Sheekh Aadan.

Sidoo kale odayaasha labada dhinac ee kulanka ka qeybgalay ayaa si isku mid ah u ballan qaaday iney si shuruud la’aan ah u qaateen xabad joojinta uu ku baaqay Shariif Xasan.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cali oo kulankaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay kaalinta uu Shariif Xasan ka qaadanayo bakhtinta colaaddii ka oogneyd gobolka Sh/Hoose.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi

Next Post
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In