kulankaan oo ahaa mid lagu taageerayay afhayeenka Cusub ee Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ee magaalada muqdisho
kulanka oo ay ka dhexmuqdeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Warbaahinta Madaxabanaan ee dalka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay Wariye Daa’uud Aweys in uu Noqdo Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadow ayaa sheegay in waxlagu farxo ay tahay in Suxufiyiinta ay ka dhexmuuqdaan Dhinaca Siyasadda, isagoo tilmaamay in Daa’uud Aweys uu yahay shaqsi ka soo bixikara shaqadaan culus ee loo dhiibay.
Afhayeenka Cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys oo ah nin Suxufi ah oo ka hadlay kulanka lagu soo dhaweynayay ayaa uga Mahad celiyay intii soo qaban qabanqaabisay kulanka, isagoo tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo dhiibay
“ aad baad u mahadsantihiin dhamantiin, waxaan aad ugu faraxsanahay in xilkaan la ii magacaabo, aniga oo og inaad ila shaqayn doontaan, sida ugu wanaagsan ayaan rajaynayaan in xilkaan aan uga soo boxo waana mahadsantihiin dhamaantiin tageerada aad ii muujiseen” ayuu yiri Afhayeenka cusub ee Villa Soomaaliya
Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaahinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ka Wasaarad ahaan Afhayeenka Cusub eee madaxtooyada oo ah Nin Suxufi ah kana tirsanaa Shaqaalaha laanta Afka Soomaaliga kuhadasha ee VOA’da oo xaruntooda ay ku taalo dalka maraykanka.
Sawir:-Qaade Farxaan Sulaymaan Daahir