Friday, May 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaafad cusub oo dhismayaal casri ah leh oo la hirgelinayo degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 6, 2015
in Wararka
0
Xaafad cusub oo dhismayaal casri ah leh oo la hirgelinayo degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo bandhigayay xaafad cusub oo lagu magacdaray Daaru Salaam City oo ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgelinayaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Dhismaha xaafadan ayaa waxaa iska kaashanaya Bankiga Islaamiga ah ee Salaam Somali Bank, Shirkad qaabilsan dhismaha oo lagu magacaabo Al-Buruuj iyo Shirkada Salaam Property kuwaa oo soo bandhigay qaabka ay u damacsanyihiin in ay u hirgaliyaan xaafadaasi cusub, waxayna ka qeyb galayaasha u soo bandhigeen Muuqaalo muujinaya xaafad aad u qurux badan oo ay u riyaaqeen dhamaan intii xafladda joob jooga ka ahayd.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

May 29, 2025
Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

May 29, 2025

Guddoomiyaha Shirkadda Salam Property Cabdirisaaq Xaashi Jimcaale oo ah shirkadda bixisay dhulka laga dhisayo xaafadda cusub ayaa sheegay in xaafaddan cusub ay u dhameystiranyihiin adeegyadii loo baahnaa oo dhan.

“Dhulka jidka waxa uu u jiraa ilaa iyo todobo KM, waxaana uu leeyahay suuq, masaajid iyo goob caafimaad, guryahana waxa ay noqon doonaan kuwa dabaq ah iyo kuwa kale, isla markaana bulshada ay soo dhaweyn doonto”. ayuu yiri C/risaaq.

Maxamed Cabdi Colow oo ka socday maamulka Bankiga Islaamiga ah ee Salam Somali Bank ayaa waxa uu sheegay in mar waliba bankigu uu diyaar u yahay in bulshada Soomaaliyed uu maalgalin u sameeyo mashaarciida nuucaan oo kale ah, isla markaana ay sii wadayaan horumarinta adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gabeyre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka qayb gashay munaasabada ayaa bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee isku howlay hirgelinta dhismayaasha cusub,  waxaana uu balan qaaday in ay taageerayaan horumarinta caasimadda.

DSC00298 DSC00301 DSC00302 DSC00306 DSC00309 DSC00311 DSC00313 DSC00314 DSC00316 DSC00319
DSC00323 DSC00325 DSC00326 DSC00330 DSC00332 DSC00333 DSC00336 DSC00339 DSC00340 DSC00342 DSC00343 DSC00349 DSC00352 DSC00358Sawir qaade:- Aamino Xuseen Maxamed 

 

 

Previous Post

Ka wada shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe oo laga shiray “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Mudisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Mudisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

May 29, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

May 29, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada...

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

May 29, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kulan...

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo interlock ah

May 29, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axme Diiriye (Yabooh), ayaa dhagax dhigay waddo interlock ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In