Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaafad cusub oo dhismayaal casri ah leh oo la hirgelinayo degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xaafad cusub oo dhismayaal casri ah leh oo la hirgelinayo degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo bandhigayay xaafad cusub oo lagu magacdaray Daaru Salaam City oo ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgelinayaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Dhismaha xaafadan ayaa waxaa iska kaashanaya Bankiga Islaamiga ah ee Salaam Somali Bank, Shirkad qaabilsan dhismaha oo lagu magacaabo Al-Buruuj iyo Shirkada Salaam Property kuwaa oo soo bandhigay qaabka ay u damacsanyihiin in ay u hirgaliyaan xaafadaasi cusub, waxayna ka qeyb galayaasha u soo bandhigeen Muuqaalo muujinaya xaafad aad u qurux badan oo ay u riyaaqeen dhamaan intii xafladda joob jooga ka ahayd.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Guddoomiyaha Shirkadda Salam Property Cabdirisaaq Xaashi Jimcaale oo ah shirkadda bixisay dhulka laga dhisayo xaafadda cusub ayaa sheegay in xaafaddan cusub ay u dhameystiranyihiin adeegyadii loo baahnaa oo dhan.

“Dhulka jidka waxa uu u jiraa ilaa iyo todobo KM, waxaana uu leeyahay suuq, masaajid iyo goob caafimaad, guryahana waxa ay noqon doonaan kuwa dabaq ah iyo kuwa kale, isla markaana bulshada ay soo dhaweyn doonto”. ayuu yiri C/risaaq.

Maxamed Cabdi Colow oo ka socday maamulka Bankiga Islaamiga ah ee Salam Somali Bank ayaa waxa uu sheegay in mar waliba bankigu uu diyaar u yahay in bulshada Soomaaliyed uu maalgalin u sameeyo mashaarciida nuucaan oo kale ah, isla markaana ay sii wadayaan horumarinta adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gabeyre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka qayb gashay munaasabada ayaa bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee isku howlay hirgelinta dhismayaasha cusub,  waxaana uu balan qaaday in ay taageerayaan horumarinta caasimadda.

DSC00298 DSC00301 DSC00302 DSC00306 DSC00309 DSC00311 DSC00313 DSC00314 DSC00316 DSC00319
DSC00323 DSC00325 DSC00326 DSC00330 DSC00332 DSC00333 DSC00336 DSC00339 DSC00340 DSC00342 DSC00343 DSC00349 DSC00352 DSC00358Sawir qaade:- Aamino Xuseen Maxamed 

 

 

Previous Post

Ka wada shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe oo laga shiray “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Mudisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Mudisho

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In