Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad dhiiri gelin ah oo loo sameeyay arday ka qalin jebisay dugsiyada sare ee dalka South Africa (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 7, 2015
in Wararka
0
Xaflad dhiiri gelin ah oo loo sameeyay arday ka qalin jebisay dugsiyada sare ee dalka South Africa (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan ayaa waxaa ay aheyd mid isugu jirtay dhiirigelin iyo baraarujin loo sameynayay arday Soomaali ah oo ka qalin jabisay Dugsiyada sare ee magaalada Cape Town, waxaana soo agaasimayay ururka ardayda Soomaalida ee wax ka barta Jaamacadaha ku yaala dalka Koofur Afrika.

Goobta Lagu qabanayay Munaasabadaan ayaa waxaa soo xaadiray waxgarad, aqoon yahano waalidiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana halkaasi qaar ka mid ah dadkii kasoo qeyb galay oo qudbado ka jeediyay ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin barnaamijkaan dhiiri gelinta ah ee loo sameeyay ardaydaan isla markaana ay diyaar u yihiin dhankooda in ay qeyb ka qaataan wax waliba oo sare loogu qaadi karo waxbarashada.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Cabdinaasir Cali Caraale guddoomiyaha ururka ardayda Soomaalida ee wax ka barta Jaamacadaha ku yaala magaalada Cape Town ayaa sheegay in ay xooga saari doonaan sidii loo xoojin lahaa dadka Soomaalida ee ku nool dalka South Africa in badankooda ay u weecdaan dhanka waxbarashada.

Hooyooyinkii kasoo qeybgalay munaasabadaan ayaa waxaa ay halkaasi kusoo bandhigeen sida ay farxada ula wadaagayaan carruurtooda oo ka qalin jabiyay dugsiyada sare waxaana ay goobta ay keeneen ubax yo iyo iyo hadiyadoo kale.

Inta ay socotay Munaasabada ayaa waxaa 9 ka mid ah ardaydii qalin jabiyay lagu gudoon siiyay halkaasi shahaadooyin iyo hadiyado kale oo dhiiri galin waxaana wajiyadooda aad uga muuqday dareenka ay kala kulmeen bulshada Soomaalida ee ku nool magaalada cape town.

Waxaa sido Kale Hadiyad lagudoon siiyay Oo Ururka Ardayda u Gartaan in Sanadkaan ay Bixiyaan Ardaykii Ugu Dadaalka Badnaa Oo Ka Mid ah Ururka Ardayda In uu Qaato Abdiwahaab Haaji Farax Oo Howlo badan u qabtay Ardayda Isla Markaana ka mid ah ardayda waxka barta jaamacadaha ku yaala magaalada Cape Town.

Waa markii u horeysay oo tiro arday soomaali intaan ah ay ka qalab jabiyaan dugsiyada sare ee ku yaala dalka south Africa waxaana ay nasiib u heleen in markii u horeysay jaaliyadooda ay ka helaan barnaamij dhiirigalin ceynkaan oo kale ah.

IMG_4473

IMG_4474

IMG_4479

IMG_4500

IMG_4515

IMG_4530

IMG_4537

IMG_4540

IMG_4550

IMG_4558

IMG_4575

IMG_4587

IMG_4644

C/laahi Maxamuud Amiin C/laahi Qorshe
Cape Town South Africa

Previous Post

Juventus iyo Inter Milan oo Bareejo Ku Kala Baxay iyo Napoli oo Badisay

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In