Maamulka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa kulan looga hadlayay ammaanka la qaatay taliyayaasha saldhigyada, saraakiisha golaha deegaanka iyo madaxda xaafadaha degmadaasi.
Kulanka ayaa diirradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa adkeynta amniga magaaladaasi, islamarkaana bulshada looga wacyin gelin lahaa sidii ay ciidamada uga gacan siin lahaayeen sugidda amaanka.
Qaar ka mid ah gudoomiyayaasha xaafadaha degmada Gaalkacyo ayaa intii uu kulanku socday ka waramay xaaladda ammaanka xaafadahooda iyo sida ay bulshada ugu wacyigeliyaan ka qeybqaadashada amniga.
“Xaafaduhu waxey leeyihiin guddiyo amni, guddiyo khilaafaadbeey leeyihiin xarumo wacyigelin beey leeyihiin ciidamada iyo bulshaduna wada shaqeynbeey leeyihiin” ayuu yiri mid ka mid ah gudoomiyayaasha xaafadaha degmadaasi.
Ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in maamulku uu mudnaanta koobaad siinayo sugidda amniga, isagoo kula dardaarmay madaxda xaafadaha iyo saraakiisha ammaanka iney bulshada ku xirnaadaan wada shaqeyna wanaagsana la yeeshaan, si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee magaaladaasi.