Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Kurtunwaarreey oo dadaal ugu jira dib u soo nooleeynta adeegyadii bulshada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 7, 2015
in Wararka
0
Maamulka degmada Kurtunwaarreey oo dadaal ugu jira dib u soo nooleeynta adeegyadii bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka degmada Kurtunwaareey ee gobolka Sh/Hoose ayaa wada qorshe uu dib ugu soo nooleeynayo adeegyadii bulshada.

Gudoomiyaha degmadaasi C/raxman Sabtow Daahir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadka ku nool degmadaasi aysan heysan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa nolosha bulshada, sida Cisbitaal, dugsiyo waxbarasho, suuqyo ganacsi iyo wadooyinka oo aad u burbursan.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Wuxuu tilmaamay in maamulkiisu uu dadaal ballaaran ugu jiro dib usoo nooleeynta adeegyada bulshada, isagoo ka dalbaday dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan dib usoo nooleeynta adeegyadii bulshada ee degmadaasi, sida caafimaadka, waxbarashada, iyo dayactirka waddooyinka.

“Degmada Cisbital laha mana jirto MCH-yo iyo meel ay ku dhalaan haweenka , waxaanse rajeynayaa in maalmaha soo socda uu maamulku dib u howlgeliyo cisbitaalka guud ee degmadaasi iyo adeegyada kale ee bulshada aysan ka maarmin” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Kurtun waareey, C/raxman Sabtow Daahir.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa xusay in dadka ku nool degmadaasi ay u badanyihiin xoola dhaqato iyo Beeraleey, isagoo intaa raaciyay ineysan dadku heysan dawada xoolaha iyo tan beeraha, wuxuuna ka dalbaday wasaaradaha caafimaadka iyo beeraha iney arrimahaasi wax ka qabtaan.

Degmada Kurtun waareey ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab.

Previous Post

Maamulka Puntland oo dib u habeynaya shaqaalaha rayidka ah

Next Post

Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In