Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka digay musuqa iyo ku takri falidda shaqaalaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 9, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka digay musuqa iyo ku takri falidda shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay mudnaanta siin doonto la dagaalanka Musuqa iyo isla xisaabtanka. si looga hortago lunsiga dhaqaalaha iyo ku takri falka shaqaalaha dowladda.

Madaxwnaha ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda la soo dhisi doono dhawaan ay howsheeda ka billaabi doonto ka hortagga musuqa iyo ku tagri falka hantida qaranka.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025

“Sanadkan waa sanadkii la dagaalka musuqa, wax dulqaad ah oo musuq maasuq loo yeelanaayana ma jirto, nin walboo musuq maasuqa ku nooloow inta lagaa soo gaaraayaad nooshahay waa la xisaabtamayaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ka digay ku tagri falidda shaqaalaha dowladda, isagoo tilmaamay in awood dastuuriya ay tahay habka shaqo qorista shaqaalaha ayna ku yimaadaan tartan furan.

“Shaqaalaha in lagu tagri falo oo xeyna maalin la raacdeeyo ma ogolaan doono, wasiirrada cusubna waa u sheegeeynaa waana ku cel celineynaa, suurtagalna ma aha in wasiirka marku yimaado uu shaqaalihii hore ee meesha joogay inta dareeriyo uu qoro kuwo jufadiisa ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in sanadkan loo tartami doono shaqada dowladda, isagoo bulshada u sheegay iney dhamaatay waxa loo yaqaano meeleyn, taa bedelkeedana shaqada lagu helayo tartan furan.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka arrimaha dibadda Djabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Next Post
Wasiirka arrimaha dibadda Djabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka arrimaha dibadda Djabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In