Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxdii hore ee dalka oo guul taariikhiya ku tilmaamay shirkii IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxdii hore ee dalka oo guul taariikhiya ku tilmaamay shirkii IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay dalka ayaa shirkii wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho ku tilmaamay guul usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasin Salaad Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa shirkii wasiirrada arrimaha dibaddda IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho ku tilmaamay guul usoo hoyatay dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna qamsoomida shirkaasi ugu hambalyeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026

“IGAD iney ku shirto Xamar waa arin muhiim ah, ha yeeshee arrin cusub maaha Soomaaliya, waxaa ku shiri jiray IGAD iska daaye Arican Union madaxdeeda, balse wadciga jiray ayaa diidanaa in lagu shiro haatan ka hor, shirka maanta lagu qabtay Xamarna waa wax la soo dhaweeyo” ayuu yiri Dr. C/qaasin Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya
.
R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay shirkii IGAD ee maanta lagu qabtay Muqdisho, wuxuuna ku ammaanay madaxda dowladda qabsoomida shirkaasi, isagoo hey’adaha ammaanka ugu hambalyeeyay sida ay ugu quuleeysteen sugidda mniga caasimadda.

“Aad iyo aadaan ugu faraxsanahay in muddo dheer kadib maanta shirkii IGAD lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, farxad weyneyna u tahay ummadda Soomaaliyeed, waana wax loo baahnaa xaqiiqdii, waxaana Mahad iyo hambalyaba u dirayaa dowladda Soomaaliya, guud ahaan madaxweynaha R/wasaaraha, baarlamanka iyo ciidamada amniga” ayuu yiri R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo wareysi siiyay Radio Muqdisho.

Hadallada madaxdan ayaa imaanaya xilli muddo dheer kadib maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD .

Previous Post

Real Madrid oo Ka Akaatay Kooxda Espanyol “SAWIRRO”

Next Post

Macalin Alan Pardew oo Guushii u Horeysay La Gaaray Kooxda Palace “SAWIRRO”

Next Post
Macalin Alan Pardew oo Guushii u Horeysay La Gaaray Kooxda Palace “SAWIRRO”

Macalin Alan Pardew oo Guushii u Horeysay La Gaaray Kooxda Palace “SAWIRRO”

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In