Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhaweeyey magacaabista Golaha Wasiiradda.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Mogadishu, Monday 12 January: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si buuxda u taageeray Golaha Cusub ee Wasiirrada ee uu soo dhisey Ra’iisul Wasaaraha.
“Waxan si buuxda u soo dhoweynayaa magacaabista uu sammeeyey Ra’iisul Wasaaare Cumar Cabdirashiid. Tallaabada tan xigta waa go’aanka baarlamaanka sida uu dhigayo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Federaalka”, ayuu yiri madaxweynaha.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaanu marnaba inaga lumin xawligii waxqabad ee aan ku soconey, iyadoo hawlihii dowladda ay si caadi ah u socdeen toddobaadyadii la soo dhaafey. Waxaa muddadaasi wax laga qabtey arrimo dhowr oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dhismaha Guddiga Xudduudaha iyo Arrimaha Federaalka, magacaabista xubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dastuurka. Toddobaadkii hore , waxaan si miradhal ah u martigeliney shirkii ugu horeeyey ee wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ku yeeshaan Muqdisho 24 sanno kaddib. Horumarka dhanka milatarigana, fidinta adeegyada gargaarka iyo hawlagalada xasilinta iyaguna halkoodii ayay ka sii socdeen”.
“Labadii sanno ee la soo dhaafey waxaa socotey shaqooyin badan oo ”daahsoon” oo la doonayey in lagu soo dhiso dowlad shaqeysa; haatanna dowladda waxaa looga fadhiyaa inay wax ka beddesho nolosha shacabka Soomaaliyeed ee dhan ee dalka ku nool, sida fidinta adeegyada waxtarka u leh nolosha. Waxaan si aad ah ugu wada riyaaqsanahay in horumarkaasi uu ahaa mid dhanka wanaagsan loo qaadey, isla markaana waddanka ka dhigey qaran curdan ah oo leh dowlad shaqeyneysa, halkii hore na loogu tirin jirey inaany nahay qaran dhicisoobay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadley muhimadda in degdeg loo wajaho waxyaabaha muhiimka ee qaranka horyaalla.
“Waa inaanu si degdeg ah u sameynaa sharciyada muhiimka ah, sida dhismaha guddiyada loo baahan yahay, lana xaqiijiyaa sameynta wadatashi shacabka laga qeybgeliyo, kaas oo horseedi doona gaarista saddex umuurood oo sal u ah Higsiga 2016: dib u eegista Dastuurka, dhismaha maamulada gobollada iyo diyaarinta doorashooyin qaran oo waddanka ka dhaca”.
“Waa inaan xoojinaa muhimadda ay inoo leedahay inaan qaadno talaabooyin looga gol leeyahay in ay saameyn waxtar leh ku yeeshaan nolosha Soomaalida. Waxaan taasi ula jeedaa in na looga fadhiyo inaan qaadno talaabooyin muuqda oo dhanka xasilinta waddanka ah kuwaas oo isku xiraya shacabka iyo dowladda, in ugu dambeyntii laga guuleysto Al Shabaab, la dagaalanka musuqmaasuqa, sameynta hannaan dowladda ay ku hesho dakhli loo isticmaalo dhismaha dugsiyo ay carruurteena wax ku bartaan, in dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur iyo daryeel caafimaad oo qoysaskeena ay wada helaan. Waxaa kale oo waajib inaga saaran yahay inaan la soo baxno kheyraadka waddankeena si aan uga wada faaideysano, lagana shaqeeyo sameynta xaalad wanaagsan oo lagu horumarinayo adeegyada gaarka loo leeyahay.
“Dowladda cusub waxaa horyaalla liis ay ku taxan yihiin waxyaabo badan oo muhiim ah, kuwaas oo u baahan go’aan qaadasho adag iyo is xilqaan si wax waliba sidii loogu talagaley ay u fulaan. Waxaan ugu dambeyntii filayaa in baarlamanka uu degdeg u ansixiyo xubnahan cusub ee Golaha Wasiirrada, isla mar ahaantaana ay xubnahan cusub degdeg ugu guda galaan hawlaha horyaalla

Previous Post

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Shacabka Badhaadhe oo Xanuuno ka cawday

Next Post

Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay”sawiro”

Next Post
Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay”sawiro”

Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay"sawiro"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In