Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bad-maaxayaal tababar Muqdisho loogu soo gabagabeeyey

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Bad-maaxayaal tababar Muqdisho loogu soo gabagabeeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasbadaan tababarka loogu soo xirayay ilaa iyo 30 Bad-maax oo muddo lix maalin siminaar ugu socday Muqdisho, isla markaana ay iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumeysiga, Hay’dda Cunnada iyo Beeraha ee FAO iyo Jaamacadda Daarul Xikma ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Kaluumeysiga iyo Dekahada, Madaxda Jaamacadda Daarul Xikma iyo kuwa hay’adda FAO.

Tababarkan ayaa naaquudayaashu waxa ay ku baranayeen sidii ay naftooda u badbaadin lahaayeen xilliga ay ku guda jiraan howlaha jillaabashada iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen ilaalinta xeebaha Jamhuuriyadda Somalia, sidoo kale in ay ka qeyb-qaataan badbaadinta dadka ay qatarta ku qabsato badda gudaheeda.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Guddoomiyaha Jaamacadda Daarul Xikma Yuusuf Axmed Hiraabe ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo dhammaaday sidii loogu talagalay, wax bandanna laga wada faa’iiday, isagoo dadki qaatay tababarka ku boorriyay inay ugu adeegaan bulshadooda.

Xuseen Cali Axmed Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka caawin doonaan sidii tababarradan loo sii wadi lahaa, si wax soo saarka Kalluumeysiga loo ballaariyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Axmed Maxamed Imaan ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal lagu horumarinayo kalluumeysiga, ayna dalka ka hirgelin doonaan goobo ay kalluumeysato ku keydsadaan kheyraadka ay badda kala soo baxaan.

Ugu dambeyntii dhalinyardii tababarka loo qabtay e ka tirsanaa Naaqudiyaasha ayaa lagu guddonsiiyya shahaadooyin.

Previous Post

Barlamaanka Somalia oo ka doodaya waqtiga golaha wasiirrada la ansixinayo

Next Post

Barlamaanka Somalia oo u codeeyey in sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno

Next Post
DAAWO-Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyey sameynta guddi Baarlamaanni ah oo la dagaalamma Musuq Maasuqa

Barlamaanka Somalia oo u codeeyey in sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In