Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyey sameynta guddi Baarlamaanni ah oo la dagaalamma Musuq Maasuqa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho ayadoo lagu wado in xildhibaanada uu hor-tago R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Ciidamada ammaannka ayaa ku sugan waddooyinka ku dhow xarunta golaha shacabka ayadoo xildhibaanada iyo shaqaalaha baarlamaanku ay galayaan xarunta golaha shacabka ee uu shirku ka dhici doono.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa horay u shaaciyay in goluhu uu maanta uu sabti ah uu yeelan doono kulan ku saabsan in xukuumadda ay cod u qaadaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa Radio Muqdisho u sheegay in kulanka Barlamaanka uu jiro, balse Ra’iisul wasaaraha uu imaan doono golaha si uu u sheego isbadel ku yimid golaha wasiirrada cusub ee uu dhawaan soo magcaabay, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali uu ka laabtay golahiisa wasiirrada uu soo magcaabay.

“Kulanka waxaa laga filan karaa in baarlamaanka uu go’aan ka gaaro arrinta golaha Wasiirada cusub, inkasta oo ay jiraan isbadalo ku yimid golaha Wasiirada oo aan si rasmi ah weli noo soo gaarin, balse Ra’iisul wasaaraha ayaa laga warsugayaa in uu baarlamaanka la hadlo, una sharxo qorshe howleedkiisa iyo haddii ay jiraan isbadal kale” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Warar aan ka helnay xafiiska R/wasaaraha ayaa sheegay in mudane Cumar Cabdirashiid uu khudbad u jeedin doono baarlamaanka.
Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idin la soo socodsiin doonnaa hadduu Alle idmo.

Previous Post

Charlie Austin iyo Manuel Pellegrini oo loo magacaabay Xiddiga Iyo Tababarihii Ugu Fiicnaa Bisha December Horyaalka Premier League-ga.

Next Post

Baarlamaanka oo laga codsaday inay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada cusub

Next Post

Baarlamaanka oo laga codsaday inay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada cusub

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS Taliska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In