Tuesday, August 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ogolaaday Codsiga Ra’isulwasaaraha Ee Dib Ula Laabashada Xukuumadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 17, 2015
in Wararka, Xulashada
0
DAAWO-Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyey sameynta guddi Baarlamaanni ah oo la dagaalamma Musuq Maasuqa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbiyey oo la xiriiray in la siiyo fursad 14cisho ah oo ku doonayo in uu kusoo sameeyo latashiyo uu ku doonayo dhisidda Xukuumad kasban karta kalsoonida Baarlamaanka maadaama uu xalay Guddoonka Baarlamaanka u soo gudbiyey qoraal uu ku muujinayo Ra’isulwasaaraha in uu dib ula laabtay Golaha Wasiirrada Cusub ee uu dhowaan soo dhisay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad kooban ka jeediyey furitaanka Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa Xildhibaannada u akhriyey qoraal uusoo gudbiyey xalay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kaasi oo uu ku aadanaa in Ra’isulwasaaraha uu dib ula noqday Magacaabidda Xubnaha Golaha Wasiirrada Cusub islamarkaana uu Ra’isulwasaaraha ku codsanayey in la siiyo fursad 14cisho ah oo uu ku sameeyo latashiyo ku aadan soo dhisidda Gole Wasiirro oo kasban kara kalsoonida Golaha Shacabka.

Related posts

Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle.

August 19, 2025
Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025

Hadal jeedinta Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib waxa uu Afhayeenka Golaha ka codsaday iney u codeeyaan codsiga Ra’isulwasaaraha ee fursad siinta taasina Xildhibaannada Baarlamaanku waxa ay u aqbaleen si caqlabiyad leh oo ma jirin Xildhibaanno diiday codsigaasi.

Gudoomiyaha Baaramaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gebagebadii kulanka Baarlamaanka ka sheegay in xeritaanka kulfadhiga 5aad ee Baarlamaanka oo horey loogu asteeyey 22ka bishan January oo dib u dhacayo ayadoo xeritaanka Kalfadhiga Baarlamaanka ee 5aad uu noqonayo bisha February ee soo socota Shanteeda waxaana uu ka codsaday Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iney keeneen warbixinnadooda la xiriira waxyaabihii u qabsoomay.

Previous Post

Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Loo Qeybiyey Qoraal Uu Ra’isulwasaaraha Uga Laabanayo Magacaabista Wasiirrada…AKHRISO

Next Post

DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad

Next Post
DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad

DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad

Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle.

August 19, 2025
0

Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle...

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In