Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shariif Siidkeey oo lagu wado in lagu aaso magaalada Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo taageero siinaya Maamulka Koonfur Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee Shariif Siidkeey oo ka mid ahaa culimada Magaalada Baydhabo, isla markaana guddoomiye u ahaa Dalad ay ku mideysanyihiin culimada magaaladaasi ku dhaqan ayaa kooxo hubeysan waxa ay xalay ku dileen gudaha Magaalada Baydhabo.

Marxuumka ayaa la tilmaamay in la dilay xilli uu ka soo baxay Masjidka Shariif Gacmeey, halkaasi oo uu ku soo tukaday Salaada cishaha ah, waxaana kooxihii falka dilka ah geystay ay ka baxsadeen goobta.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Ciidamada amniga oo gaaray halka lagu dilay Shariif Siidkeey ayaa waxa ay bilaabeen howlgallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay falka dilka ah, iyagoo gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lala xiriirinayo dilka Allaha u naxariistee Shariif Siidkeey, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno.

Shariif Siidkeey ayaa ka mid ahaa culimada sida weyn looga qadariyo gobolka Baay, waxaana uu Imaam ka ahaa mid ka mid ah Masaajidda ku yaalla magaalada Baydhabo.

Allaha u naxariistee Shariif Siidkeey ayaa la qorsheynayaa in maanta lagu aaso qabuuro ku yaala duleedka Baydhabo, kaasi oo ay ka qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka Qurbo joogta Soomaaliyeed ee Rwanda oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Qurbo joogta Soomaaliyeed ee Rwanda oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Shirka Qurbo joogta Soomaaliyeed ee Rwanda oo la soo gabo gabeeyay "SAWIRRO"

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In