Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Siihayaha Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Burundi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Siihayaha Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Burundi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay kulamo la qaateen Taliyaha Ciidanka Milatariga Wadanka Burundi oo soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Ciidamada labada Dalka iyo sidii loo xoojin lahaa la dagaallanka argagixisada.

Taliyaha Ciidamada Dalka Burundi ayaa markii uu soo gaaray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku soo dhaweeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada bambeyda oo si wanaagsan soo dhaweyn balaaran u muujiyay, iyadoo kulan ay isku xog wareysanayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo dhigiisa dalka Burundi ay wada qaateen, kaasi oo ay kaga wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira dar dar galinta xoreynta dalka, waxaana goob joog ka ahaa kulankaasi saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indho-qarshe oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhigiisa dalka Burundi ay isla garteen sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaallanka argagixisada Shabaab, isla markaana dalka oo dhan looga sifeyn lahaa.

Intaasi kaddib Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha Ciidamada Milatariga Dalka Burundi Major Gen. Prime Niyongabo oo booqasho rasmi ah ku jooga Muqdisho, iyadoo Wasiirka uu ku ammaanay Dowladda Burundi sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaana si gaar ah uu ku ammaanay ciidamada Burundi sida ay ugu qeyb qaateen xoreynta dalka.

Major Gen. Prime Niyongabo Taliyaha ciidamada Burundi ee kulamada la qaatay mas’uuliyiintaasi ayaa lagu xusuustaa sida uu kaga qeyb qaatay xoreynta qeybo ka mid ah dalka isagoo ahaa Taliyihii ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya, ee qeybta ka ah ciidanka AMISOM, waxaana si gaar ah uu u gogaaminayay ciidamada AMISOM ee hantiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Degmada Deyniie.

Previous Post

Masjid weyn oo dib u dhis lagu sameeyay oo maanta xariga laga jaray

Next Post

Musharax Maxamed Cilmi Afrax oo laga taageeray degmada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Musharax Maxamed Cilmi Afrax oo laga taageeray degmada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Musharax Maxamed Cilmi Afrax oo laga taageeray degmada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In