Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxriistee Sheekh Cabdi Sheekh Axmed Eebakar oo ku magac dheeraa (Sheekh Cabdi Sheekhaal) ayaa maanta lagu aasay Masjidka Irshaad ee ku yaalka xaafadda Cali- Kamiin, halkaas oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno, Culimaa’udiin, ganacsato iyo dadweyne aad u fara badan.

Marxuumka waxa uu in ka badan konton sano ku soo jiray faafinta diinta Islaamka, isagoo koonfurta Soomaaliyeed ka hirgeliyay Mowlacyo badan oo lagu barto diinta Islaamka, waxaana uu ka mid ahaa culimada Ahlusunna Waljamaaca.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Sheekh Faarax oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyay taariikhda Sheekha, isagoo xusay in Sheekhu uu konton sano ka badan uu fidinayay diinta Islaamka, isagoo la dagaalami jiray dadka sida qaldan diinta u fasiraya.

Maashaa’iq caan ah oo ka qeyb gashay aaska Marxuumka oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Sheekha uu ahaa shaqsi ka shaqeyn jiray nabadeynta iyo sidii diinta loo fahamsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Ganacsade Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo ka mid ah ganacsatadii ka qeyb gashay aaska Sheekha ayaa tacsi u diray ehelada iyo asaxaabta uu ka tegay Sheekh Cabdi Sheekh Axmed Eebakar.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka hadlay aaska Marxuumka ayaa ugu horeyn uga tacsiyadeeyay bulshada Soomaaliyeed geerida ku timid Sheekh Cabdi Sheekh Axmed Eebakar (Sheekh Cabdi Sheekhaal) iyagoo u rajeeyay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

Marxuum Sheekh Cabdi Sheekhaal ayaa da’diisa lagu sheegay 98 sano, isago ku dhashay baadiyaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana uu ifka kaga tagey saddex xaas oo waxa ay dhaleen iyo wixi ay sii dhaleen ay gaarayaan 75 qof.

Previous Post

Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay degmada Cadaado

Next Post

Dibad bax looga soo horjeedo Charlie Hebdo oo Muqdisho lagu qabtay”sawiro”

Next Post
Dibad bax looga soo horjeedo Charlie Hebdo oo Muqdisho lagu qabtay”sawiro”

Dibad bax looga soo horjeedo Charlie Hebdo oo Muqdisho lagu qabtay"sawiro"

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In