Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxriistee Sheekh Cabdi Sheekh Axmed Eebakar oo ku magac dheeraa (Sheekh Cabdi Sheekhaal) ayaa maanta lagu aasay Masjidka Irshaad ee ku yaalka xaafadda Cali- Kamiin, halkaas oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno, Culimaa’udiin, ganacsato iyo dadweyne aad u fara badan.

Marxuumka waxa uu in ka badan konton sano ku soo jiray faafinta diinta Islaamka, isagoo koonfurta Soomaaliyeed ka hirgeliyay Mowlacyo badan oo lagu barto diinta Islaamka, waxaana uu ka mid ahaa culimada Ahlusunna Waljamaaca.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026

Sheekh Faarax oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyay taariikhda Sheekha, isagoo xusay in Sheekhu uu konton sano ka badan uu fidinayay diinta Islaamka, isagoo la dagaalami jiray dadka sida qaldan diinta u fasiraya.

Maashaa’iq caan ah oo ka qeyb gashay aaska Marxuumka oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Sheekha uu ahaa shaqsi ka shaqeyn jiray nabadeynta iyo sidii diinta loo fahamsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Ganacsade Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo ka mid ah ganacsatadii ka qeyb gashay aaska Sheekha ayaa tacsi u diray ehelada iyo asaxaabta uu ka tegay Sheekh Cabdi Sheekh Axmed Eebakar.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka hadlay aaska Marxuumka ayaa ugu horeyn uga tacsiyadeeyay bulshada Soomaaliyeed geerida ku timid Sheekh Cabdi Sheekh Axmed Eebakar (Sheekh Cabdi Sheekhaal) iyagoo u rajeeyay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

Marxuum Sheekh Cabdi Sheekhaal ayaa da’diisa lagu sheegay 98 sano, isago ku dhashay baadiyaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana uu ifka kaga tagey saddex xaas oo waxa ay dhaleen iyo wixi ay sii dhaleen ay gaarayaan 75 qof.

Previous Post

Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay degmada Cadaado

Next Post

Dibad bax looga soo horjeedo Charlie Hebdo oo Muqdisho lagu qabtay”sawiro”

Next Post
Dibad bax looga soo horjeedo Charlie Hebdo oo Muqdisho lagu qabtay”sawiro”

Dibad bax looga soo horjeedo Charlie Hebdo oo Muqdisho lagu qabtay"sawiro"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In