Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
DAAWO-R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka, ayaa kulankooda uga hadlay arimo muhiim ah oo ka qayb qaadanaya xasiloonida dalka Soomaaliya, waxaana kamid ah dib-u-dhiska hay’adaha dawladda iyo gacan siinta adeegyada bulshada, la dagaalanka Burcad-badeedka. Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa ah arimaha amniga,dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

β€œXiriirka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ma ahan mid bilow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani waxaa uu isgarab taagay Soomaaliya xiligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xoogani ka jireen dalka Soomaaliya. Waxaana ay naga taageeri doonaan xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta, danjire Mohamed Al-Cutmani ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin taageerada Soomaaliya oo xiligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

β€œWaxaan diyaar u nahay isgarab taaga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu tala galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii dib-u-dhiska.” Ayuu yiri danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo isbada joog ah la qaadanayay qaar kamid ah danjirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya, sida Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Sweden, Wakiillka QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Midowga Africa

Previous Post

Midowga Ardayda Jaamacadda SIU oo hogaan cusub doortay β€œSAWIRRO”

Next Post

Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday

Next Post
Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday

Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In